‘Ninka Aan Guriga Isla Daggan Nahay Ma Oggola Kala Fogaansho’

0
389

“Ninka aan guriga isla daggan nahay wuxuu soo laabtay saq dhexe, isagoo ay la socdaan labo dumar ah, waana xilli lagu guda jiro xayiraad.”

In dad madax adag guri lala dagganaado waa khibrad inteenna badan ay soo wada mareen, markii si loo eego.

Laakiin hadda oo ay dowladda nagu amartay inaan guryaha joogno maadaama uu jiro cudurka coronavirus, ma aha xilli ay fiican tahay in ay dadka guryaha nala daggan sharciga raaci waayaan.

“Ninkaas uma muuqdo qof dhib u arka inay dad badan guriga kuugu imaadaan,” sidaas waxaa tiri Helen* oo la hadleysay idaacadda BBC-da ee Radio 1.

Waxay ka warrameysay sida uu u dhaqmo ninka ay isku guriga daggan yihiin, oo sidoo kalena guriga leh.

Helen* waxay sheegtay in ninkaas uu jabiyo sharciga ay dowladda soo dajisay ee ku saabsan kala fogaanshaha dadka iyo waliba midka dadka ku amraya inay guryahooda joogaan.

“Dumar badan ayuu gurigiisa keensadaa, mana aaminsana wax la dhaho kala fogaanshaha dadka,” ayey tiri.

 

House party

Maadaama ay dad aad u badan maalin kasta soo booqdaan guriga ay daggan tahay, Helen waxay ka walaacsan tahay inuu halis galo caafimaadkeeda.

“Waan ognahay inuu fayrasku dusha sare iska joogomuddo dheer, marka haddii ay shey isticmaalaan, oo si fiicanna aysan u dhaqin, waxay taasi sababeysaa in guriga oo dhan uu fayraska ku faafo.”

Gabadhan hadda waxay isku soo xirtay qolkeeda, waxayna aaminsan tahay “inaysan suurtagal ahayn” inay ku badbaadeyso qeybaha kale ee flat-ka ay daggan tahay.

“Aad ayaan u nadiifiyay qolkeyga oo idil. Inta badan ma dhacdo inaan jikada aado – waxaan si dhif ah u galaa marka ay aad muhiim iigu tahay,” ayey tiri.

Helen waxay kirada qolkeeda ku bixisaa kalabar ka mid ah mushaarka ay qaadato waxayna sheegeysaa “inay murug tahay” in ay hal qol oo kaliya ku dhex xayirnaato.

Xaalad walwal leh

.

Nathan, oo 23 jir ah, wuxuu yaqaannnaa sida ay u adagtahay in qofka uu kaligiis is karantiilo marka ay kusoo baxaan calaamadaha coronavirus.

Wuxuu ku sugnaa dalka Morocco afar isbuuc ka hor, markii dambena wuxuu UK ugu soo laabtay duullimaad deg deg ahaa, taasoo micnaheedu yahay in laga doonayo inuu iskarantiilo muddo labo toddobaad ah.

“Waxay ahayd xaalad aad u adag oo culus. Marka fikirka ku aaddan inaad xanuunsado ama inaan mar kale is karantiilo waa arrin i walwal galineysa,” ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da.

Wuxuu sheegay in ninka la daggan guriga uu inta badan bannaanka u baxo habeenkii, si uu usoo booqdo saaxiibaddiis oo isbitaal ka shaqeysa.

“Wuxuu halis weyn ugu jiraa inuu fayraska ku dhaco, kaddibna uu sii faafiyo,” ayuu yiri Nathan.

Couple arguing

Helen iyo Nathan labaduba way isku dayeen inay nimanka la daggan guryahooda ka dhaadhiciyaan inay dabeecaddooda baddalaan.

Laakiin waxay sheegeen inaysan raggaas aaminsaneyn inay wax xun ku dhici karaan, maadaama ay da’ yar yihiin ayna caafimaad buuxa qabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here