Qaramada Midoobay: Caalamka Waxaa Kusoo Wajahan Musiibo Kale

0
421

Dunida ayaa khatar ballaaran ugu jirta macluul baahsan oo ka dhalan doonta fayraska Corona ee safmarka ah, sida ay ka digtay Qaramada Midoobay.

David Beasley oo ah madaxa hay’adda cunnada adduunka (WFP) ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabo degdeg ah oo looga hortagayo musiibadaasi.

Warbixin looga hadlayo saameynta ay yeelan karto macluushaasi ayaa lagu sheegay in dadka baahan ee caalamka ay tiradooda laba-laabmi karto oo ay gaari karto in ka badan 250 milyan oo qof.

Inta badan dadkaasi khatarta ku jira ayaa ku nool toban dal oo ay ka jiraan colaado, xaalado dhaqaale xumo iyo saameyn ka dhalatay isbedalka cimilada, sida ay sheegtay WFP.

Dalalkaasi ayaa kala ah: Yemen, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Afghanistan, Venezuela, Itoobiya, South Sudan, Sudan, Suuriya, Nigeria iyo Haiti.

Xitaa ka hor inta aanu dillaacin cudurka, qeybo kamid ah Bariga Afrika iyo Koonfurta Aasiya ayaa wajahayay cunno yari ka dhalatay abaaro iyo ayax ku degay dhul ballaaran.

Mr Beasley oo qaab muuqaal ah kula hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in “caalamka looga baahan yahay inuu si caqliyeysan oo degdeg ah uga jawaabo arintaasi,”

Caarif Xuseen oo WFP u qaabilsan dhaqaalaha ayaa sheegay in saameynta cudurka Covid-19 ay gaari doonto malaayin qof oo sabool ah, kuwaasoo ku tiirsan waxa ay maalintii shaqeystaan.

Horraantii sanadkan, WFP ayaa sheegtay inay kala bar dhimayso gargaarka ay siiso qeybaha ay dalka Yemen ka xukunto maleeshiyada Xuutiyiinka dhaqaalo yari awgeed.

Hay’adda ayaa sheegtay in deeq-bixiyayaasha ay joojiyeen lacagaha ay siin jireen iyagoo ka walaacsan in gargaarka ay leexsadaan dagaalyahannada Xuutiyiinta.

Dalkaasi ayaa horraantii bishan xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19, waxaana hay’adaha gargaarka ay ka digeen in cudurka uu dad badan ku dili karo waddankaasi ay colaadda la degtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here