Dowladda Kenya oo Ku Raad Joogta Dad Ka Baxsaday Xarun Karantiil Ah

0
328

Dad reer Kenya ah oo muuqaallo laga duubay iyagoo ka firxanaya xarun lagu karantiilo dadka looga shakisan yahay inay qabaan cusurka coronavirus, ayaa lasoo qaban doonaa dibna loogu celin doonaa halkoodii, sida uu sheegay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

“Waan idin garaneynaa waana idin soo heli doonnaa,” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray in dadka xaruntaas ka baxsaday ay khatar galinayaan shacabka intiisa kale.

Digniinta kasoo baxday dowladda ayaa timid kaddib markii la shaaciyay muuqaal laga duubay dhowr qof oo darbi ka boodaya, si ay uga baxsadaan xarun karantiil ah oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Dadka ku jira xarumaha karantiilka ee khasabka ah ayaa ka cabanayay nolol xumo, iyadoo sheegay inay ku jiraan wax la mid ah xabsi, kharash badanna ay u baahdaan.

Someone in quarantine in Kenya holding up a "Please help us" sign - April 2020

Waxay sheegeen in goobaha qaar ay nadaafaddoodu aad u liidato, kala fogaanshaha dadkana aysan suurtagal ahayn maadaama tiro badan hal meel la isugu geeyay.

Kuwo kale ayaa ka carooday in goobaha lagu hayo looga qaado lacag u dhaxeysa $20 doolar ilaa $100 doolar, taasoo ku xiran hadba xarunta la geeyo.

In ka badan 400 oo qof ayaa ku karantiilan Kenya. Waxaa ka mid ah dadka dib uga soo laabtay dalalka uu cudurka saameynta ba’an ku yeeshay, kuwaasoo dalka soo galay ka hor inta aan xuduudaha la xirin.

Lama oga tirada saxda ah ee dadka ka baxsaday xarunta karantiilka ah, laakiin wararka qaar waxay sheegayaan inay gaarayaan ilaa 50 ruux.

Baxsashada ayaa dhacday maalintii Talaadada, xilli cunto loo qeybinayay dadka.

Wargeyska Daily Nation ayaa Twitter-ka ku shaaciyay muuqaal laga arkayo dad darbi ka boodaya.

Presentational white space

Kenya ayaa tan iyo markii uu cudurka soo gaaray wadday dadaallo lagu xakameynayo, maalin kastana waxaa sii korodha tirada dadka uu soo ridanayo.

Mandheera oo xayiraad lagu soo rogay

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa magaalooyinka xayiraadda galitaanka iyo bixitaanka lagu soo rogay ku dartay Mandheera, oo ah magaalo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalida dagaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Fred Matiangi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay amarka cusud ee lagu ballaariyay dadaalka xakameynta coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here