‘Waxaan Dhadhamiyay Sakaraadka’: Sheekada Haweeney Ka Kacday Coronavirus

0
411

Elizabeth, oo ah haweeney 49 jir ah, waxay ogtahay inay nasiib leedahay haddii ay nooshahay.

Kaddib markii ay aad ula xanuunsatay cudurka Covid-19, horaantii bishan waxaa la dhigay isbitaal.

Tani waa sheekadeeda, waxana mahad ballaaran u jeedisay howl-wadeennada isbitaalkii ay taallay.

Markii ugu horreysay ee aan dareemay inay wax iga khaldan yihiin waxay ahayd maalintii Jimcada.

Waxaan dareemay daal ka badan sidii caadiga ahayd, markii aan habeenkii sariirta tagayna daalka aan dareemayay wuxuu ahaa xad-dhaaf ah.

Labadii maalmood ee xigay waxaa isoo wajahday xaalad adag.

Markii la gaaray Isniinta, waxaa igu billowday lugo xanuun, oo sii sii xoogeystay. Waxaan u maleynayay inay xididdada lugaha i kabaabyoodeen, waxaana liqay kaniini xanuun baabi’iye ah.

Laakiin dhakhaatiirtu waxay markii dambe ii sheegeen inuu fayraska toos iiga abbaaray murqaha.

Waan qufacayay balse joogto ma ahayn, inkastoo dadka ay mid ka mid ah calaamadaha u maleeyaan qufaca joogtada ah.

Muddo hal isbuuc ka badan ayaan guriga iska joogay laakiin hal mar oo aan dibadda usoo baxay – oo aan aaday kaalin shidaal oo deegaanka ku dhex taalla – ayaan cudurka soo qaaday.

Guriga waxaan ku soo laabtay anigoo qabow daran dareemaya, oo jareynaya. Xitaa markii aan cabitaan kulul cabay, labo bustena isa saaray, wali dhaxanta igama yaraanin.

Kaddibna qandhadii ayaa timid.

Waxaan dareemayay sidii in dab la dhex galiyay jirkeyga, madaxana aad ayuu uu kala dillaacayay.

Waxba ma cuni karin, waan matagayay, dhidid ayaana ku qoynayay gogosha.

Xoogaa kaddina waxaa billaabatay inay neefsashada i dhibto.

Waxaan qabaa cudurka neefta, taasina waxay igu sii badisay walwalka. Maalmo yar gudahood miyir dabool ayaa igu billowday.

Nurse by a bed in a ICU

Wiilkeyga 15 jirka ah ayaa anigoo ka warqabin wacay lambarka 111 ee lagala xiriiro waaxda qaran ee caafimaadka UK ee NHS.

Dhakhaatiirtii ayaa guriga timid, waxaan maqlayay shanqarta gaariga gurmadka degdegga ah ee ambalaasta.

Waxaa dhagaheyga soo gaarayay codka dhakhaatiirta oo dhahaya: “xaaladdeeda way liidataa, aan gudaha galinno”.

Islamarkiiba waxay igu xireen qalabka neefsashada caawiya. Mid ka mid ah carruurteyda ayaa u yeeray hooyadeey. Waxaa iigu darneyd markii aan wajigeeda arkay iyadoo dareemeysa inaysan waxba ii qaban karin.

Iima soo dhawaan karto, sababtoo ah waxay qabtaa wadne xanuun, haddii ay fayraska qaaddana xaaladdeeda waxay galeysaa halista ugu weyn.

Isbitaalka ayaa la i geeyay, halkaas ayaana la iigu billaabay baaritaanno iyo caawinaad daweyn ah.

 

Afar sariir oo kaliya ayaa taallay qolkii la iga geeyay isbitaalka, qof walba oo halkaas ku jirayna wuxuu qabay Covid-19, cudurro kalena way usii wehliyeen.

Labo dumar ah oo halkaas ku jiray waxay qabeen sokorow, dhowr maalmood kaddibna waxaa la keenay haweeney kale oo saddexaad.

.

Ma xasuusto inta badan maalmihii ugu horreeyay ee aan isbitaalka joogay. Waxaan mararka qaar arkayay kalkaalisooyin soo galaya iyo kuwo sii baxaya.

Habeen ka mid ah habeennada, waxaan nin ku arkay qeybtii aan isbitaalka ka fiifay, oo loogu talagalay dumarka kaliya. Gambaleelka ayaan garaacay, waxaa ii timid kalkaaliso waxayna ii sheegtay in uu yahay wiil ay dhashay haweeney meesha nagula jirta oo xilligeedii nolosha uu soo dhammaaday.

Dawooyinka ayaa waxba u tari waayay, sidaas darteed waxaa la damacsanaa in laga qamiyo qalabka neefsashada ku caawinaya, wiilkeedana sagootintii ugu dambeysay ayuu meesha u joogay.

Waxaan indhaheyga ku arkay qof sariirta igu xigta jiifa oo sugaya dhimashada, daqiiqado kaddibna qalabkii ayaa laga damiyay wayna dhimatay.

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaan billaabay inaan ku qarwo dhacdooyinkii hore ee nolosheyda iyo dadkii aan lasoo sheekeysan jiray. Mararka qaar wuxuu shaki iga galayay inaan noolahay.

Waxaan isdhahayay qarowgan ma wuxuu ka dhigan yahay nafta oo iga sii baxeysa?.

Haddana waxaa geeriyootay haweeney kale oo taallay sariirta dhinaceyga kale ah. Waxay in muddo ah ku jirtay koomo, dibna ugama aysan soo laabanin.

Haweeney jiiftay sariirta iigu sokeysay ayaan eegay, waxaan arkay inay soo fiicnaaneyso oo ay hadli karto.

Waxay ii sheegtay in qolkii aan ku jirtay bukaannadiisii ay 50% dhinteen 50% kalena noolaadeen, labadeennuna aan ku jirno kuwo nasiibka leh.

Waxa nolosheyda badbaadiyay waxay ila tahay inay ahayd hal kalkaaliso oo igu tiri: “Haddii ay dhakhaatiirtu ku dhahaan waad roontahay ee isbitaalka ka axa – islamarkiiba bax! Ha sameynin khalad ah inaad kusii madax adeygtid joogitaanka isbitaalka adigoo doonaya inay xaaladdaada sii fiicnaato. I aamin, waxaan arkay bukaanno badan oo sidaas ku dooday, siina joogay meeshanuu cudurka xaadirka ku yahay – mid walba oo dadkaas ka mid ah dib ayuu ugu dhacay Covid-19, wayna u wada geeriyoodeen.”

Islamaalintii gudaheedaba, waxay tijaabo ku sameeyeen dhiigeyga. Dhakhtarkii ayaa igu yiri: “Waad roonaatay. Waan ku faraxsanahay inaad isbitaalka ka bixi karto”. Aad baan u farxay, guriga ayaana aaday.

Waxaan u mahad celinayaa dhakhaatiirta, kalkaalisayaasha iyo qof walba oo gacan ka geystay inaan dib u caafimaado.

Waxaan fursad labaad u helay nolosha adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here