Habka Qaramada Midoobay Kula Tacaamulayso Somaliland Oo Cidhiidhi Galay, Shirqoollada Dawladda Somalia Iyo Hoos U Dhigidda Meeqaamka Wakiilkii UNDP Ee Hargeysa

0
320

Mashruuca Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNDP, gaar ahaan xafiiskeeda guud ee Soomaaliya waxa uu hoos u dhigay meeqaamka wakiilkii hay’addaasi u qaabilsanaa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo hore u ahaan jiray shaqaale caalami ah (International Level) halka imika wixii ka dambeeya uu noqon doono shaqaale heer Deegaan (National Level) oo waliba noqon doona qof Soomaali ah halka uu markii hore u qaabilsanaha UNDP ee Somaliland uu ahaan jiray qof ajaanib ah, siyaasaddaasi oo ay wada qorsheeyeen Xafiiska UNDP Soomaaliya iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.

Kadib dadaallo muddo badan soo socday oo ay ku hawlanaayeen dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya oo shaqo culus ka qabtay in dhammaanba Hay’adaha Qaramada Midoobay, Kuwa Caalamiga ah iyo Ururrada sama-falka ee kaleba ay xarumahooda guud ka dhigtaan Magaalada Muqdisho si buuxdana qorshahaasi u hir galay ayaa waxa ay xukuumadda wakhtigan Villa Somalia fadhidaana dhinaca kale ku dadaashay in ay meeqaamka Somaliland si weyn ula dagaalamaan taasi oo ay wax badani uga hir galeen, waana ta keentay in gabi ahaanba hay’adihii waaweynaa ee qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahiba si rasmi ah ugu shaqeeyaan qorshaha qaran ee dawladda Federaalka Soomaaliya (National Development Plan) oo Somaliland u habeeyey in uu ku wajaho Maamul goboleed la mid ah Maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya sidaana beesha caalamku kula shaqaynayso.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Madaxa Xafiiska UNDP ee Somaliland oo hore heerkiisu u ahaa mid sare (International Level), garaydhkiisuna ahaa halbeegga qaramada Mudoobay ee P5, haatan wixii ka dambeeya uu noqon doono heer hoose oo lookal ah (Local Level) sidaana lagu naadiyay dhawaan buuxinta shaqadaasi oo lagu sheegay in ay Soomaalidu shaqadaasi soo codsan doonto halka markii hore booskan uu qaban jiray qof Ajaanib ahi.

Sababta qorshahan ka dambaysaa waxa ay tahay wada shaqayn ay arrintan ka wada yeesheen Ra’iisal Wasaaraha waddanka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Qorshaynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan oo dadaal weyn galiyay sidii hawlaha noocan ahi u noqon lahaayeen kuwo si weyn hoos loogu dhigo meeqaamka Somaliland.

Inkasta oo marka horeba qaramada Midoobay Soomaaliya u aqoonsanayd dal kali ah oo aanay aqoonsi siin Somaliland haddana meeqaamka Somaliland mar walba waxa uu ahaa mid si gaar ah ay ula tacaamulaan Hay’adaha waaweyn ee qaramada Midoobay iyo dawladaha deeqda bixiyaa, si kasta oo mashaariicda iyo hawlgallada qaramada Midoobay u ahaan jireen kuwo ku soo baxa Magaca Soomaaliya balse imika xaalku u muuqdo mid isugu biyo shubtay in hadba wixii Somaliland uga soo go’a Soomaaliya ay xaaladdu ahaato, beesha caalamkuna sidaasi kula shaqaynayso dawladda Federaalka Soomaaliya oo itaalkeedu liito balse si weyn u ciyaaraysa siyaasad weyn oo ay ku laciifinayso Somaliland maadaama ay ka faa’iidaysanayso sharcinimada iyo aqoonsiga Soomaaliya oo dunidu u aragto dal kali ah, halka taa baddalkeeda xukuumadda wakhtigan talada haysaa ee Somaliland aanay ku baraarugsanayn ama siyaasad cadi uga oollin arrimo badan oo xaaladahan la xidhiidha halka dadaalka Villa Soomaaliya ku jiro mid laban lab ah oo ka dhan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here