“Waxaan Ka Cabsanaya In Si Qasab Ah La Ii Karantiilo”

0
930

Sida la mid ah “xanuunka” ay dad badan oo dunida ku nool ay dareemayaan, Rachel Gachuna waxay si daran uga walaacsan tahay inuu ku dhaco coronavirus maadama ay ka cabsi qabto in la geeyo xarun karantiil oo ku taalla gudaha Kenya.

“Musqulaha waa kuwo wasakh ah.. shaqaalaha nadiifinaya waxay ka cawdaan wasakhada,” sida ay BBC-da u sheegtay haweeney ku jirta xarun karantiil.

“Sababtaba, musqulaha biyo ma lahan, dadku waxay adeegsanayaan tuubadii ay isticmaashay, xitaa haddii ay jiraan… xaalad jahwareer ayaa halkaas ka taagan”.

Rachel Gachuna

 

Presentational white space

Dadkii soo galay Kenya ee ka yimid dalalkii uu saameeyay fayraska ka hor inta aanan la xirin xudduudaha iyo kuwo la sheegay inay la kulmeen dadka uu ku dhacay coronavirus, waxaa la geeyay xarun karantiil si muddo 14 maalmood ah ay halkaas ugu soo qaataan.

Si kastaba, waxaa muddo kale lagu daray maalmaha qofka uu ku qaadanayo xarumaha karantiilka gaar ahaan dadka lagu arkay calaamadaha fayraska. Sidoo kale, dadkaas waa in ay iska bixiyaan kharashaadka ku baxayo noloshooda.

Waxaa sidoo kale jiray walaaca ah in dadka ku jiray xarumahan aysan raaceyn talada ah inay kala fogaadaan maadama ay xarumaha ka jiraan ciriiri.

“Alle waxaan ka baryaayaa in xanuunkan uusan igu dhicin sababta oo ah ma garanayo waxaan sameyn doono,” ayay tiri Ms Gachuna xilli ay la hadleysay BBC-da.

Haatan, Gachuna waxay fasax ka qaadatay shaqada, waxay doorbiday in guriga ay kasoo shaqeyso.

Isku day baxsasho

Si qoyskeeda ay uga ilaaliso xannuunka, kaligeed ayaa xaafadda usoo adeegto marka ay wax u baahdaan.

Shacabka Kenya waxaa hadda lagu qasbay in ay xirtaan afka iyo sanka marka ay ku sugan yihiin goobaha dadweynaha, waxaa sidoo kale la dhimay basaska tirada dadka ee raaci jiray balse waxaa adag in la dhaqan geliyo arrinta ah kala fogaanshaha bulshada.

“Waxaan isku dayaa in aan feejignaado, marka aan guriga tago, waa in aan qubeystaa inta aan la kulmin carruurteyda, marka ma hubtid walxaha bannaanka kaa soo raacay,” ayay tiri Rachel Gachuna.

Waxay shaqada ka saartay gabar u shaqeyneysay oo u xanaaneyn jirtay labadeeda canug ee mataanaha ah, tas oo sabab u ah cabsida ay ka qabto coronavirus.

Covid-19 iyo Kenya

Toddobaadkii lasoo dhaafay waxaa jiray tiro dad ah inay isku dayayeen inay kasoo baxsadaan xarun karantiil oo ku taalla Jaamacadda Kenyatta ee magaalada Nairobi kaddib markii ay sheegeen in nolosha halkaas ka jirta aysan wanaagsaneyn.

“Marka hore, ma heysano wax dhaqaale ah oo aan ku maareyno nolosheenna, marka labaad ma jiraan wax caddeymo ah oo dhakhaatiirta ay sheegeen oo muujinayo in aan halkan kusii jirno,” waxaa sidaas yiri Simon Mugambi oo ka mid ahaa dadkii lagu hayay xarunta karantiilka.

Dadka qaar ee ku sugnaa halkaas waxay sheegeen inay qaadeen xannuuno lasoo deriseen markii dowladda ay 14 maalmood ah oo dheeraad ah ay ku kordhisay muddada karantiilka.

Sidoo kale, dowladda kenya waxay weli raadineysaa illaa 50 qof oo habeen hore ka baxsatay xarunta karantiilka ee KMTC ee ku taalla nairobi.

Xayiraadaha Kenya ee ka hortagga coronaviru

  • Waxay xirtay xudduudaha, waxaana la joojiyay duulimaadyada
  • Habeenkii banddow ayaa lagu soo rogay dalka
  • Ma jirto cid ka bixi karto Nairobi ama soo geli karto
  • Waxaa la xiray Iskuulaadka, xarumaha maddadaalada, kaniisadaha iyo masaajidda
  • Qof kasta waxaa laga doonaya inuu xirto afka iyo sanka, haddii kale qofka aanan u hogaansamin tallaabadaas waxay wajahi karaan xabsi
  • Shaqaalaha aan muhiimka ahayn waxaa loogu baaqay in guryaha ay ka shaqeeyaan
  • Dhammaan goobaha shaqada, waxaa laga doonayaa inay halkaas uu yaallo qalabka gacmaha lagu nadiifiyo iyo tallaabooyin kale.

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, dowladda Kenya waxay sameysay in ka badan 50 xarrumood oo lagu karantiilo dadka, waxayna ku yaallaan huteello, jaamacadaha iyo iskuulada, waxaana habeenkii dadkaas ku baxaya kharash u dhexeeyo $20 illaa $100.

Kenya waxay buufisey goobaha goobaha isu imaatinka si looga hortaggo faafitaanka coronavirus

‘Halis-gelinta nolosha’

Koox u doodo xuquuqul insaanka oo lagu magacaabo Kelin, waxay walaac ka muujiyeen xaaladda ay ku nool yihiin dadka ku jira xarumaha karantiilka. “Dowladda kama aysan hadlin dadka bixinayo kharashaadka ku baxo, dowladda sidoo kale ma aysan caddeyn xilligga dadkaas la doonayo in la baaro,” ayay tiri kooxda.

Wasaaradda caafimaadka ee Kenya waxay sheegtay inay ka war heyso xaaladda balse ay ku dadaaleyso in shacabka laga ilaaliyo qaar ka mid ah dadka ku jiro xarumahaas ee laga helay cudurka.

Patrick Amoth oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay in dadkii ku jiray xarumaha qaar aysan raacin talooyinka caafimaad ee loo soo jeediyay si looga hortaggo cudurka gaar ahaan inay kulmaan oo aysan kala fogaanin.

Madaxa isbitaalka ugu weyn Kenya ee Kenyatta ayaa dhaleeceeyay dhaqamada dadka ku jiro xarumaha karantiilka.

“Waxay cadaawad u muujinayaan shaqaalaha ku sugan xarumaha karantiilka, xitaa qaar ka mid ah waxay tacaddiyo u geysteen shaqaalaha qaar,” ayuu yiri Evanson Kamuri oo ah dhakhtar ugu sarreeya isbitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here