Dhakhtar Dacwad Ka Gudbiyey Madaxweyne Trump

0
430
Dawada hydroxychloroquine

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay “inuusan weligii maqal” Dr Bright.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay sheegay isticmaalka dawada hydroxychloroquine iyo dawada kale ee chloroquine ay yihiin kuwa lagula tacaali karo Covid-19.

Inkastoo ay khubradu ka digeen isticmaalka dawada hydroxychloroquine ay khatar aad u badan leedahay.

“Waxaan dareemeynaa oo aan doonayaa inaan caddeeyo inuu Dr Bright hal arrin uu ka horyimid taasoo ah dawooyin khatarta badan in dadka lagula taliyo iney u isticmaalaan daweynta Covid-19, dawooyinkaasi oo ay ka mid tahay chloroquine, dawooyinkaasi haddii si khaldan loo isticmaalana ay dhimasha badan sababai karaan” ayuu yiri qareenka dhakhtarkaasi.

Wargeyska Poletico ayaa ku warramay iney hayaan E-mail uu Dr Bright uu dareenkiisa ku aaddan dawada uu ku soo qoray balse si cad uu ugu qeexin aragtidiisa.

Sida uu dhigayo sharciga dalka Mareykanka cabshada qofka waa la aqbalayaa haddii uu shaqsiga dacwoonaya uu aaminsan yahay in lagu xadgudbay xaqa uu u leeyahay inuu dalka u shaqeeyo.

Talaadadi ayey wasaaradda caafimaadka Mareykanaka shaacisay Dr Bright in laga qaaday xilka agaasimanima ee uu ka hayey Hay’adda cilmi baarista iiyo horumarinta Bimedical (Barda) iyada oo ay wasaaraddu Dr Bright u magacawday xil kale oo ka mid ah Machadka Caafimadka Qaranka (NIH).

Maalinti xigtay oo ku beegneed Arbacadina Dr Bright wuxuu qoray warqad uu ku sheegay in xilka looga qaaday maadaamaa uu ka hor yimid marin habaabin shacabka lagu marin habaabin lahaa dawooyinka hydroxychloroquine iyo chloroquine in lagu daweyn karo cudurka safmarka ee Covid-19.

“Anigu waxaan ka fakarayey sidi aan ula iman lahaa dawa kale oo xal u noqon karta cudurka, waxaanna si adag uga hor imid dawa aan la xaqiijin oo khatarteeda leh si aan shacabka Mareykanka u badbaadiyo” ayuu yiri Dr Bright.

Madaxweyne Trump oo Arbacadi bixinayey fahfaahin ku saabsan Coronavirus oo arrinta dhakhtarka wax laga weydiiyeyna wuxuu ku jawaabay: “Aniga weli ninkaasi ma maqal”.

“Ninkan wuxuu sheegay shaqada in shaqada laga eryey. Wey dhici kartaa, mana dhci karto. Balse waa inaad dhinaca kalana aad dhageysataan.”

Dr Bright wuxuu hay’adda Barda uu ku biiray 2016-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here