Qabiil Yar Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Maxamed Bin Salmaan

0
500

Haweeney u doodda xuquuqda aadanaha oo ku nool magaalada London ayaa sheegtay inay heshay farriimo hanjabaado dil ah oo uga yimid dad ay aaminsan tahay inay taageerayaal u yihiin dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Alya Abutayah Alhwaiti ayaa BBC-da u sheegtay in hanjabaadaha loogu soo diray dhinaca telefoonka iyo barteeda Twitter-ka kaddib markii ay faafisay qeylo dhaan ku socotay caalamka oo ku saabsan saameynta qabiilkeeda kasoo gaari karta qorshe ay boqortooyada Sacuudiga ku damacsan tahay inay ku dhisto magaalo tiknoolojiyad oo lagu asteynayo qarniga 21-aad. Mgaaladan ayaa la doonayaa in laga dhiso xeebaha Badda Cas.

“Waan kuugu imaan karnaa London,” ayaa lagu tiri wicitaanka telefoonka, sida ay sheegtay Ms Alhwaiti. “waxay kula tahay inaad nooga badbaadeysid meeshaas, laakiin ma dhaceyso.”

Ms Alhwaiti ayaa intaas ku dartay in sidoo kale loogu hanjabay “in lagu sameyn doono wixii ku dhacay Jamaal Khaashuqji”. Dacwad ayey u gudbisay booliska Britain.

Khaashuqji, oo ahaa wariye u dhashay Sacuudiga, kuna caan baxay dhaliilaha boqortooyada, ayaa geeriyooday kaddib markii ay sanadkii 2018-kii rag ka socday dowladda Sacuudiga jirkiisa ku jarjareen gudaha qunsuliyadda ay Riyaad ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sirdoonka reer Galbeedka ayaa aaminsan dilkiisa uu amar ku bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada, inkastoo dowladda Sacuudiga ay arrintaas dafirtay.

13-kii bishii April, nin lagu magacaabo Abdul Rahim al-Huwaiti ayaa shaaciyay muuqaal uu adduunka ugu sheegayay in ciidamada Sacuudiga ay isaga iyo dad kale oo ka tirsan qabiilkiisa Huwaitat khasab uga rarayaan dhulka ay waligood dagganaayeen ee ku yaalla cirifka waqooyiga galbeed ee dalkaas, si halkaas looga fuliyo mashruuca lagu magacaabay Neom.

.

Alya Alhwaiti, oo isla qabiilkaas kasoo jeedda ayaa sii faafisay muuqaalkaas.

Muuqaalka dhexdiisa, Abdul Rahim al-Huwaiti wuxuu wacad ku maray inuu kasoo horjeedsan doono go’aanka raritaanka ah ee ay dowladdu soo saartay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidanka amniga uu ka filayo inay hub uusan shaqo ku lahayn gurigiisa geeyaan si ay dambiile uga dhigaan.

Markii dambe ninkaas waxaa dilay booliska Sacuudiga.

Bayaan ay soo saartay waaxda amniga ee dowladda ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa, waxaana lagu sheegay inuu rasaas ku furay booliska sidaas awgeedna ay rasaas ugu jawaabeen.

People pray at the funeral of Abdul Rahim al-Huwaiti in Saudi Arabia on 22 April 2020

Eedeynta ay dowladdu u jeedisay ninkaas waxaa si adag u beenisay Ms Alhwaiti,waxayna ku adkeysatay in Abdul Rahim al-Huwaiti uusan heysanin wax hub ah.

Maalintii Arbacada waxay shaacisay sawirro iyo muuqaal muujinaya aaska ninkaas oo ka dhacay meel u dhow xaafadda al-Khoraibah, kaasoo sida muuqata ay dad badan ka qeyb galeen, inkastoo ay goobta ku sugnaayeen ciidamada ammaanka ee Sacuudiga.

Bani Huwaitat and their ancestral lands in southern Jordan, close to the Saudi border

Huwaitat waa qabiillada isla weyn, ee qarniyada dagganaa halkaas, waana xoolo dhaqato reer miyi ah. Waxay muddo boqollaal sano ah ku nool yihiin labada dhinac ee xadka u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Urdun.

Taariikhdu waxay dhigeysaa inay yihiin dad dagaalyahanno ah oo aan cabsanin. Sanadkii 1917-kii waxay dagaal la galeen sarkaalkii watay ciidamada gumeysiga Ingiriiska ee lagu magacaabi jiray T E Lawrence, xilligaas oo ay qeyb ka ahaayeen kacdoonkii carabta ee gumeysi diidka.

Wuxuu magacooda iyo tayadooda ku xusay buug uu goor dambe qoray, kaasoo uu si weyn ugu amaanay..

Maanta inta badan qabiilkaas way isaga soo tageen noloshii baadiyaha, waxayna daggan yihiin guryo iyo tuulooyin ay halkaas ka sameysteen.

Bani Huwaitat and their ancestral lands in southern Jordan, close to the Saudi border

“Kama soo horjeedaan dhismaha mashruuca Neom,” ayey tiri Ms Alhwaiti. “Laakiin waxay diiddan yihiin in si khasab ah dhulkooda looga saaro, waxayna rajeynayeen in hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee reer galbeedka ay arrintooda ka hadlaan, si sharci ahna wax looga qabto. Ma doonayaan in laga eryo dhulka ay qoysaskooda kusoo noolaayeen jiilal badan.”

Waxay intaas ku dartay in siddeed ka mid ah Abdul Rahim al-Huwaiti ilma-adeerradiis loo xiray inay amarka raritaanka kasoo horjeesteen, ilaa haddana aan waxba loo qabanin.

Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman (2ND L), US journalist Maria Bartiromo (L), Masayoshi Son (3RD L), the Chief Executive Officer of SoftBank and Stephen Shwarzman, CEO of the Blackstone Group, attend the Future Investment Initiative (FII) conference in Riyadh, on 24 October 2017Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionPrince Mohammed bin Salman unveiled the plans for Neom at an investment conference in 2017

Dhimashada uu qalalaasaha keenay ee ninka amarka kasoo horjeestay ma aha caqabadda kaliya ee hor taagan qorshaha uu damacsan yahay Maxamed Bin Salmaan inuu Sacuudiga u yeelo meel aan ahayn saliidda oo ay dhaqaale ahaan ugu tiirsanaato.

Dilkii Jamaal Khaashuqji ayaa wax u dhimay maalgashadayaasha caalamiga ah, kuwaasoo hadda aan kalsooni buuxda ku qabin xukuumadda uu daaha gadaashiisa ka maamulo Maxamed Bin Salmaan. Taasi waxay horseedday inuu cuslaado dhaqaalaha lagu hirgalinayo mashruucaas.

Caqabadda kale ee ugu dambeysayna waa cudurka safmarka ah ee coronavirus,

Presentational white space

Neom wuxuu ka mid yahay mashaariicda waaweyn ee uu ku haminayo dhaxal sugaha boqortooyada, kuwaasoo uu doonayo inuu hirgaliyo ka hor sanadka 2030-ka.

Si rasmi ah ayuu mashruucan waddadiisii u hayaa. “Shaqadu way socotaa”,” ayaa lagu yiri bayaan ay dowladdu soo saartay maalintii Axadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here