Roobab Dabaylo Watay Oo Ka Da’ay Dagmada Xudun Oo Gaystay Khasaare Isagu Jira Naf Iyo Maal

0
327

Roobabkan oo shalay galabti ka da,ay dagmada xudun ee gobolka Sool ayaa waxa ku nafwayey marxuun Axmed Maxamed Daarood oo 25 jir ahaa halka uu dhaawac daran ka soo gaadhay Cabdilaahi Cawil Hufe oo 40 jir ah ka dib markii uu ku soo dumay gurigay ku jireen.

Maayarka dagmada Xudun Faarax Cali Ibraahin oo ka hadlayey khasaaraha roobabkaasi gaysteen ayaa sheegay ilaa labatan guri oo isagu jira sandaqado iyo daaro ay roobabkaasi dumiyeen, isla markaana dadkii guryahaasi ku jiray ay hoy la’aan yihiin iyadoo lagu jiro xili roobadka guga.

Waxanu intaasi ku daray in hay’adaha gargaarku ay gurmad deg deg ah la soo gaadhan dadkaasi ku barakacay roobabka guga ee xiligan curtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here