Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Baaq U Soo Jeediyey Xukuumadda & Shacabka Somaliland

0
421

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, waxaanu ka digay wax kasta oo qaranimada Somaliland lid ku ah.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo u warramay WargeyskaGeeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Koronaha iyo bisha Ramadaan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Hore u socon maayo, dib u socon maayo, la inoogama baahna. Ta kale inaynu ka ilbaxno Weeyaan dagaal soo noq-noqda, colaad iyo aano, cid kasta oo colaad iyo fidno wadana in talaabo sharciga waafaqsan la mariyo weeyaan, maxaa yeelay Maanta ma qaadi karno dagaalo iyo colaado dib inoogu soo noqda, bishii Ramadaan ayaynu ku jirnaa, ee ha la xishoodo, oo nabadgalyada ha la ilaaliyo qof walbana akhiradiisa ha ilaashado”.

Mar uu ka hadlayey xanuunka Coronavirus ayaa yidhi “Coronavaris maaro ayaa loo waayey, oo daawo ayey caalamkii u waayeen, ee ILLAAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu inaga hayo, oo dadkeena muslimiinta meel kasta oo ay joogaan uu ka badbaadiyo, ee wixii waano iyo wacyigelin ah ee ku saabsan xanuunkan ha la qaado oo ayaan laga dhego adaygin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here