Maxaad Ka taqaanaa ninka dadaalka dheer u galay joojinta Corona?

0
399

Ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha ayaa bartiisa Twitter-ka furtay bishii aanu soo dhaafnay , xilli uu caalamka fara ba’an ku hayay cudurka Covid-19.

Ilaa iyo imika fariin walba oo uu soo dhigo waxa ay noqotay mid loo riyaaqo taasi oo ku aadan ololihiisa aadka u sareeya ee ku aadan in ugu yaraan dal kasta uu gaarsiiyo qalab caafimaad.

“Hal caalam iyo dagaal!” ayaa ka mid ahaa fariimihiisa dhiirigalinta “Anaga oo wada jirna arrintan waan sameyn karnaa!” ayaa sidoo kale fariimihiisa ka mid ah.

Ninkan Bilyan-neerka ah ayaa ah awoodda ka dambeysay howlagalka baahsan ee shixnadaha qalabka caafimaad lagu gaarsiiyay ilaa iyo imika in ka badan 150 dal.

Waxaa qalabkaas ka mid ah kuwa imika loogu baahida badan yahay oo ah qalabka sanka lagu xirto iyo qalabka qofka ka caawiyo neefsashada.

Balse dadka dhaliila Mr Ma iyo xitaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaan wali hubin u jeedada uu arrintan ka leeyahay.

Mashruuciisani geesinnimada leh ee muujinaya caawintiisa heer caalami, ma waxay shaaca ka qaadaysaa wajiga saaxibtinnimo ee xisbiga Shuuciga ee xukuma Shiinaha?

Mise waa nin madax-banaan oo uu xisbiga Shuuciga ay u isticmaalayaan u jeedo brogaando?

Waxay u muuqataa in uu raacayo shuruucda dublamaasiyadeed ee Shiinaha gar ahaan marka uu xulanayo dalka ka faaidaysanaya deeqdiisa, balse deeqsinimadiisa ayaa laga yaabaa in ay dul dhigto hogaamiyayaal siyaasadeed oo ka maseyrsan ficilkiisa.

Bilyan-neerada kale ee dhanka tiknoolajiyada ayaa waxay ku yabooheen lacago badan oo lagula dagaalamayo cudurka Corona.

Waxaa ka mid ah milkiilaha Twitter Jack Dorsey oo bixinaya $1bilyan oo doolar oo lagula dagaalamayo Covid-19.

Shirkadda Candid, oo fadhigeedu yahay Mareykanka islamarkana la socota deeqaha ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa shirakdda Alibaba galisay kaalinta 12 ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku deeqay lacagaha lagula dagaalamayo Covid-19.

Balse liiskaasi laguma qiimayn xamuulka muhimka oo dalalka qaar ay u rakaan kuwa ka muhimsan lacagta marxaladan lagu jiro Corona.

Ma jiro cid kale oo an ka ahayn Ma oo awoodda in ay shixnadaha toos u gaarsiiyaan kuwa u baahan.

Laga soo bilaabo bishii March, hay’adda Jack Ma ayaa waxay bilaawday in diyaarado ku gaarsiiso Afrika, Eeshiya, Yurub, Latin Amerika iyo xitaa goobo siyaasad ahaan xasaasi ah sida Iran, Israa’iil, Ruushka iyo Mareykanka.

Mr Ma ayaa waxaa uu sidoo kale ku deeqay malaayiin doolar oo uu siiyay xarun cilmi-baarid loogu sameynayo talaalka Covid-19 iyo buug ay qoreen khabiiro dhanka caafimaadka ah oo afka Shiinaha ku qornaa gobolka uu ka soo jeedo ee Zhejiang islamarkana waxaa buugaasi loo turjumay 16 luuqadood.

“Waxa uu awood iyo lacag ba u leeyahay in diyaarad uu shixnadda uga soo qaado Hangzhou uuna ka dajiyo Addis Ababa, ama meel kasta oo kale ee la doonayo,” waxaa sidaasi sheegay Duncan Clark oo wax ka qoray taariikhda Jack Ma.

“Tani waa tasiilaad waa waxa shirkadiisa, dadkiisa iyo gobolkiisa ay ka dhigan yihiin.”ayuu intaa ku daray

Waji saaxibtinnimo

Jack Ma waa nin caan ah islamarkana ah maclin luuqadda Ingiriiska kaasi oo dhisay shirkadda tiknoolaji ee ugu wayn caalamka.

Alibaba ayaa waxaa loogu yeeraa “Amazon-ka bariga “.

Mr Ma ayaa shirkadda ka bilaabay gudaha gurigiisa oo ku yaalla Shiinaha gaara ahaan magaalada Hangzhou, sanadkii 1999.

Tan iyo xilligaasi shirkadda Alibaba ayaa noqotay mid ka mid ah shirkadaha doorka wayn ka ciyaara dalka labaad ee ugu wayn dhaqaalaha caalamka.

Ma qudhiisa ayaa waxaa la sheegaa in hantidiisa ay dhan tahay $40 bilyan oo doolar.

Waxaa uu si rasmi ah uga dagay jagada gudoomiyaha shirkadda Alibaba 2018.

Waxaa uu xilligaas sheegay in uu doonayo in uu diiradda saaro dhanka samafalka.

Balse Ma ayaa wali kursi joogto ah ku leh golaha shirkadda Alibaba ee uu asaasay 20 sano ka hor.

Iyada oo ay isu raaceen hantidiisa iyo caannimada ayaa waxaa uu wali yahay mid ka mid ah ragga ugu awoodda badan dalka Shiinaha.

Waxay u muuqataa in deeqaha Mr Ma ay yihiin kuwa la bixinayo iyada oo la raacayo xeerka xisbiga Shuuciga.

Ma jirto caddeyn muujinaysa in qaar ka mid ah deeqaha Jack Ma iyo Alibaba Foundation ay gaareen wadamada xiriirka rasmiga ah la leh Taiwan, oo ay daris yihiin Shiinaha islamarkana xurguf wayn ay ka dhaxeyso.

Mr Ma ayaa ku shaaciyay barta tweeter-ka in uu deeq gaarsiin doono 22 dal oo ku yaalla Latin Amerika.

Waxaa ka mid ah dalalka aan ku jirin liiska dalka Honduras , Haiti iyo dalal kale oo dhowr ah.

Hay’adda ayaa diiday in ay bixiso faahfaahin ku aadan liiska dalalka deeqahani la gaarsiinayo.

Si kastaba ha ahaateen deeqaha ilaa iyo imika uu bixiyay Mr Ma ayaa noqday kuwa laga mahadceliyay.

Guulahaasi ayaa siisay Mr Ma inuu soo jiito dareenka dad badan.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa xusaysay magaca Mr Ma in ka badan intii ay xuseen madaxwaynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Halista soo waji karta Jack Ma

Balse Ma aya halis ugu jira in ficil celin uu kala kulmo xukuumadda Beijing? Xi Jinping ayaan lagu aqoon in uu aqbalo dadka kale ee soo jiita dareenka caalamka islamarkana dowladiisa waxay horey u bartilmaameedsatay dad caan ah .

Sanooyiinkii ugu dambeeyay jilaayaal, wariyayaal caan ah iyo dhowr qof oo bilyan-neer ah ayaa “la waayayay ” muddo dheer.

Qaar ka mid ah oo uu ka mid ahaa wareye wararka aqrin jiray ayaa ku dambeeyay in xabsiyo lagu xukumo.

Qaar kale ayaa xabsiyada ka soo baxay iyaga oo la bah-dilay islamarkana shaaciyay in ay daacad u yihiin xisbiga.

“Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in [Jack Ma] uu ka dagay 2018 xilkii gudoomiyaha shirkadda Alibaba sababtoo ah waxaa loo arkay ganacsada caannimadiisa ay qarisay tan xisbiga Shuuciga,” waxa sidaasi sheegtay Ashley Feng, cilmibaare ka tirsan xarunta ammaanka Mareykanka ee Washington.

Mr Ma ayaa dad badan ka yaabiyay markii uu 2018 ku dhawaaqay in uu ka dagay xilka.

Waxaa uu beeniyay warar sheegayay in xukuumadda Beijing ay ku qasabtay in uu xilka ka dago.

Ma iyo madaxwayne Trump oo ku kulmay Trump Tower, 9 January 2017

Duncan Clark, oo wax ka qoray taariikhda Mr Ma ayaa sidoo kale ka warqaba wararka sheegayay in Ma lagu qasbay inuu xilka ka dago ka dib dhacdo dhacday bishii January 2017.

Bilyan-neerkan u dhashay Shiinaha ayaa xilligaas la kulmay madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo markaas la doortay, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka.

Madaxwaynaha Shiinaha ayaa bilooyiin ka dib la kulmay madaxwayne Trump.

“Waxaa jiray warar badan oo la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in Jack Ma uu degdegay,” ayuu yiri Clark.

“Waxaan u maleynayaa in ay jiraan casharo laga bartay labada dhinac taasi oo ah baahida loo qabo in ay wada shaqeeyaan, ” ayuu intaa ku daray .”

Farsamo ahaa , Mr Ma ma ahayn nin ka baxsan xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ka taliya.

Waxaa uu xubin ka ahaa xisbiga tan iyo 1980s, xilligaasi oo uu arday jaamacadeed ahaa.

Balse xiriirka uu la lahaa Mr Ma xisbiga ayaa mar walba ahaa mid murugsan .

Jack Ma oo la fadhiya rai'sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed 25 November 2019

Shaki kama taagna in guud ahaan sumcadda howsha mucaawinada bilyan-neerka Jack Ma iyo bilyan-neerada klae ee Shiinaha, sida ay sheegtay hay’ad fadhigeedu yahay mareykanka oo qiimeysa deeqaha ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here