Qarax Ka Dhacay Dalka Suuriya Oo Ay Dad Bada Ku Dhinteen

0
342

Ugu yaran 40 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Afrin ee ku taalla waqooyi-galbeed dalka Suuriya sida ay xukumadda Turkiga sheegtay.

Barasaabka gobolka xadka Turkiga ku yaalla ee Hatay ayaa sheegay in Booyad shidaal sidday oo mareysay suuq ay dadku ku badan yihiin bam gacmeed lagu tuuray halkaasi oo uu khasaaro badan ka dhashay.

Barasaabka iyo wasiirka gaashaandhigga Turkiga ayaa qaraxaasi ku eedeeyay maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG.

Magaalada Afrin ayaa waxaa gacanta ku haya militariga dalka Turkiga oo muddooyiinkii u dambeeyay halkaasi ku sugnaa.

Koox u doodda xuquuqda aadanaha Suuriya oo uu fadhigeedu yahay UK waxay sheegtay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku dhowdahay xafiiska gobolka looga arrimiyo.

Xilliga uu qaraxa dhacayeyna dadka ugu badan ee suuqaasi ku sugan waxay ahaayeen dad iisu diyrinayey afurka soonka bisha barakeysan ee Ramadhaan kuwaasi oo suuqa ka adeeganayey.

Sawir laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya qaac madow oo cirka isku shareeray iyo gawaari uu dab qabsaday.

Wasaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in 11 caruur ah ay ka mid yihiin 40 qof ee qaraxa ku dhintay, halka sidoo kale qaraxa ay ku dhaawacmeen 47 qof.

Wasaaradda gaashaandhiga Turkiga ayaa bogga ay Tweetar-ka ku leedahay ku soo qortay in “Cadowga bani’aadaminada ee PKK,YPG ay weerar la beegsadeen dad rayad ah.

Hase yeeshee dhanka Maleeshiyada Kurdiyiinta YPG ee lagu eedeeyey iney qaraxaasi ka dambeysay wax war ah wali ka ma soo bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here