Coronavirus: “Ma doonayo inuu dhinto ninki wiilkeyga dilay”

0
562

Hooya ku nool dalka Argentina ayaa hay’adaha sharci fulinta dalkaasi u qortay warqad codsi ah oo ay kaga codsaneyso in la sii daayo ninki dilay wiilkeeda maadaama ay dooneyn inuu khatar u galao Covid-19.

Silvia oo bishii Fabraayo la kulantay madaxada dalkaasi ugu sarreysa ayaa dowladda ka codsatay in la sii daayo ninki dilay wiilkeeda.

Waxay sida oo kale Silvia sheegtay masiibada dalkooda ka taagan ay ku kalliftay iney dib u fakarto.

“Waan u cadheysnaa, aadna waan u necbaa. Laakiin weligey geeri uma rajeyn” ayey ku qortay warqad furan oo ay qortay.

Talaadadina Madaxweyenaha Argentina Alberto Fernández ayaa taageeray qorshaha ku sabsan in maxabiista guriyaha lagu hayo si kasta oo ay suuragal ku tahay, si loo yareeyo khatarta ka soo foodsari karto Covid-19 loo yareeyo.

Toddobaadyadii ugu dambeeyeyna waxaa xabsiyada ku yaalla dalka Argentina ka socda kacdoon xooggan oo ay sameynayaan maxabiista oo ay ku cabanayaan iney dowladdu qaaddo tallaabbooyin adag oo xaaladda xabsiyada wax looga beddelayo.

Hadalka madaxweyne Fernández waxaa ka dhashay muran adag, iyada oo ay dadka qaar ay aaminsan yihiin tallaabbadaasi iney caddaaladda meesha ka sarreyso halka qaarna ay aaminsan yihiin dhibaata baahsan iney ka dhalan karto.

Maxbuuski ugu horreeyey oo xabsigaasi ku jira aya lga helay Covid-19

Wiilka ay dhashay Silvia Ontivero, Alejo Huanu waxaa lagu dilay magaalada Andean sanadka marka uu ahaa 2004-tii.

Gacan ku dhiiglaha dilkaasi lagu hely Diego Arduino fal dambiyeedka dilka uu geystay waxay maxkamad ugu xukuntay 16 sana oo xarig ah.

Kiiska Diego oo Talaadadi dhageystay garsoore Gardey oo ka hadlay wuxuu sheegay Arduiono inuu ka mid yahay 400-ka maxbuus ee ku jirta xabsiga gobolka Mendoza oo laga deyriyey xaaladdooda caafimaad.

Warqad qoraal ah oo ay Ontivero warbaahinta la wadaagtay ayey ku sheegtay in wakhti dheer ay aad uga fikireysay oo ay taageereyso in maxabiista guriyahooda lagu hayo.

“Waxaynu hadda ka hadleynaa arrin ka duwan waxyaabihi horay loo yaqiinnay ka duwan oo ah cudurka safmarka ee Coronavirus. Xabsiyada ay maxabiista buux dhaafiyeen dadka ku jira cabsida iyo welwelka ay cudurkan ka qabaan waan dareemi kara,” ayey ku qortay warqaddeeda.

Olivia oo u warrantay Shabakadda TN news waxay sheegtay ninki dilay wiilkeeda in xabsiga lagu hayo ay ka dhigan tahay xukun dil ah, marwelibana ay ka hor imaadsan tahay arrintaasi.

Ontivero oo maxbuus siyaasadeed u ahayd hoggaamiyihi hore ee militariga ee dalka Argentina ka arriminayey inti u dhaxeysay 1976-1983, waxay xabsi ku jirtay 7 sano.

Waxayna sheegtay waxa ay ku fikireyso ayna soo jeedineyso ay tahay sida ay iyadu fursadda u heshay iney qof noolal caadi ku nool, Arduino inuu isna la siiyo fursad la mid ah oo uu ku noqon karo qof wanaagsan, waxaya sheegtay sababta ay u soo jeedineyso inta uu u dhammaan wakhtiga lagu xukumay ka hor.

Wiilka laga dilayna wuxuu ahaa Wariye lataliyana u ahaa maamulka Mendoza.

Maalinti Isniintina xabsiga uu ku jira Arduiono waxay billaabeen kacdoon xooggan oo ay dowladda kaga codsanayaan iney qaaddo tallaabbo lagu badbaadin karo maxabiista kaddib marki ay laba maxbuus u dhinteen cudurka Covid-19.

Madaxa Komiishiinka Xuquuqda aadanaha ee qaramada Midoobay Michelle Bachelet oo ahaaa madaxweynihi hore ee Chille ayaa dowladda Argentina ugu baaqay in wax laga beddelo xaaladda nadafaadeed ee xabsiyada ku yaalla dalalka Latin America maadaamaa ay khatar aad u weyn ka dhalan karto.

Dalalka Chille iyo Colombia waxay sii daayeen kumannaan maxabiis ah iyaga oo ka cabsi qabo cudurka safmarka ee dalakaasii. Toddobaadkii horana aqalka sare ee dalkaasi wuxuu ansixiyey iney dowladdu qaaddo tillaabbooyin dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here