“Tallaalka Ugu Dhaw COVID 19 Ayaan Haya…” Cabdillaahi Jawaan

0
569

RAJADA UGU DHOW EE TALAALKA CUDURKA COVID19 EE CORONAVIRUS AYAAN HAYAA !.

Waxaa caalamkii Wiiqay Cudurka Loo bixiyey Coronavirus kaasi oo Sameeyey:

Noloshii Aadamaha oo keenay dhimashada Xad-dhaafka ah iyo Bukaan aan La tirin karin oo muddo gaaban ku gaadhay Qaaradkasta iyo wadan walba.
Cabsida Cudurkaas Wuxuu Curyaamiyey Wax-soo-saarkii iyada oo ay fadhiisteen Dhamaan illihii dhaqaaluhu ka Soo baxaayey nooc-kasta oo ay Yihiin.

Waxaa kala go’ay Xidhiidhkii Dadka, Waxaana La Miciinsaday: Guriga ku Jir, kala Fogaada ugu yaraan 2 Meter, Gacmaha Maydh, Ha istaabanina. Taasi oo Bedeshey Qaab Nololleedkii Dadka iyo iskaashigiiba. Haddaba Jiritaanka Caalamku Sidan kuma Socon Karo.

Haddaba Waxaa Adduunka oo Dhan hadda Orod iyo Tafaqsi Loogu Jiraa: Sidii Talaal ama Dawo Loogu Heli Lahaa Cudurkan Sadhaha ah ee Covid19 ee Noloshii Aadamaha Naafeeyey.

Haddaba Aniga oo ku Noqonaaya Sadarkii aan ku bilaabay Qoraalkan ee ahaa: Sida ugu dhow ee Loogu heli-lahaa Tallaal Anaa haya. Waxaan La Socodsiinayaa Adduunka in halkan idiinku Soo bandhigaayo Aqoon iyo Xog Ummadda Somaliland ay Taqaannay kuna dhaqmijirtey Boqollaal Sano ( Hundreds of Years ) Aqoontaas oo ah in Xoolaha ay dhaq-daan Gaar ahaan Geesleyda oo ah: Riyaha iyo Lo’da. Marka uu Sadhahanni ku dhaco Riyaha Sambabku oo keenno Sadhaha Riyaha ee Caalamkana Looga Yaqaan: ( Contagious Caprine Pleuropneumonia ) Cudurkani Marka uu ku dhaco Riyaha inta neef ee Cudurkani hayo waa la Takoori oo waa la karantiimi jirey oo Meel Gooni ayaa Lagu oodi jiray Riyaha Fayowna waa laga ilaalin Jiray, Xiitaa Reerraha Sabab Lagu Sheego Waa Laga Fogaan Jiray si ayna Riyahooda Fayow aanay u Sadhadayn Riyaha Bukaa. NUXURKA QORAALKANNI Waa in aan idiin Soo Bandhiggo Sida Dadka Soomaaliyeed u Tallaali Jireen Riyaha iyo Lo’da, Waana: Neefka Riyaha ah ee Cudurkani Dillo Waxay ka Soo Saari Jireen Sambabka oo intay Cadceedda ay u dhigaan ayey marka Sambabku ingeggo ayey Sambabka Qurbi Jireen iyaga oo u googaaya Sida Muqumada, Colobta ama Oodkaka Kale Qofba Sida uu u Yaqaan iyaga oo Sambabka u Jarjaraaya Boqollaal Sida Midhaha Digirta Cagaaran kadib inta Dab La Shido ayaa Xoro Lagu Soo Oodayaa Riyihii Fayoobaa Markaas ayey Haweenneyda ugu Weyn Qoyska ayaa Soo Qaadanaysa: Madane iyo Midi ka dibna Dabkii Shidnaa ayaa La Galinayaa Madanihii iyo Mididii kolkaasaa Riyihii Fayoobaa inta Mid Mid Loo Soo Qabto ayaa Dhigta Rida Saanta Kore Meel dhinaca sare ee dhegta ah ayaa Mididii Lagu Daloollinayaa Hog Yar Godkaa Yar Waxaa Holayaa Xulub Loona Daloollinayaa Saanta Sare ee dhegta iyo Carjawda Dhegta Dhexdooda ayaa La Galinnayaa Cadkii Yaraa ee Sambabkii ahaa Marka Sambabkaa Yar Dhegta La Galiyo Madanihii Dabka ku Jirey ayaa Afkii Yaraa ee iniinta Yar ee Sambabka ah Dhegta Rida La Galiyey ayaa Madanihii oo aad u Kulul Lagu Gubayaa Meeshii Nabarka ahaydna Way Awdmaysaa Nabarkii Sidaasi ayuu ku Bogsanayaa Riyaha Reerraha ee Fayowna Sidaasi ayaa Tallaalka Loogu Dhameynayaa Sidaasi Ayeyna Riyuhu kaga badbaadayaan Sambabka ku Dhaca. Gabagabada Nuxurka iyo Ujeedada Qoraalkanni Wuxuu Yahay: In Sidaas Soomaalidu Sambabka Riyaha uu Dillay Cudurka Sadhaha Sambabku in Dadka Coronavirus uu Dillay Sambabadooda Laga Raadiyo: Talaalka Sambab-daddeedkan Caalamka Naafeeyey ee illaa hadda aan Maaro Loo Haynin. Haddaba Waxaan u soo u Qaatay Tusaalaha Talaalka Soomaalida ee Boqollaalka Sannadood Lagu Soo Dhaqaayey Lana Hubo in uu Suggan Yahay. Markii ugu horreysay ee Cudurkani Coronavirus Lagu Arkay Dadka Dalka Shiinaha Waxaa La Sheeggay: in Laga Qaaday Xoolaha Gaar ahaan Ugaadha Sidaasi Darteed Haddiiba Laga Qaaday Xoolaha Aniga Artidayda Waxay iigu Muuqataa: in Coronavirus uu Yahay Sadhihii Riyaha Xaasuuqaayey intii aanay Soomaalidu Tallaalkan aanay helin Laakiin Markay Soo Saareen Tallaalkan Sambabka Riyaha iyo Lo’da Waxaa La Gaadhay Guul Xoole Dambana Sambab Ma Dillin. Haddaba Waxaan Anigu u Bixiyey Cudurka Coronavirus ( SAMBAB-DADDEED ) Wuxuuna La Nooc Noqon Karaa Sambabkii Soomaalidu Tallaalka u Heshay ee Lagu Badbaadday ee Dawladdaha Waaweyn Wadamada Sheegtayow ALLAH Weyne Bal Maanta Naga Faa’iiddeysta oo Sambabbada Dadka Covid19 Dillay Ha Laga Baadho Tallaalka Sambabbsda Dadka Cudurkani Dillay Waana Wax Alle Ogol Yahay Sida ( Organ Donation ) Khawaajeyaashow Bal Maruun ka Faa’iiddeysta Aqoonta Africa ( Soomaalida ) Guul iyo Garasho Wacan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here