“HARGEYSA Ayaan Imanayaa, Arrintaa Raali Kama Ihi, Digreeto Madaxweyne Ayaa La Igaga Wareejistay Huteelkii”..Suldaankii Dawladdu Kala Wareegtay Huteelka

0
362

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee Gobolada Bari, islamarkaana ah Masuulkii gacanta ku hayay Huteelka Hargeysa Club ee ay Xukuumaddu kala wareegtay, ayaa sheegay inuu si adag uga falcelinayo Arrintaasi islamarkaana aan sifo sharci ah loola iman ee uu maqlay uun in Degreeto Madaxweyne lagula wareegay Huteelkiisii.

Wargeysa Foore oo Khadka Teleefanka Kula Xidhiidhay Suldaanka, islamarkaana arrintan wax ka waydiiyay ayaa ku jawaabay sidan: “Arrintaas Raali kama ihi, Haddii aan raalli ka ahay Degreeto Madaxweyne kuma soo baxdeen, wakhti dhaw inaan faah faahin iyo war weyn ka bixiyo ayaan rabaa, maanta Hawlo kale ayaan ku jiraa oo nabadayn ah, waxaan rabaa inaan u soo gacan baxo oo aan si adag bayaan uga soo saaro, Hargeysa ayaan imanayaa oo aan warbixin Faah faahsan Warbaahinta ku siinayaa laakiin hadda wax baddan odhan maayo”.

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Waxa kale oo uu yidhi “Anigu waan fogahay hadda, Meel Fog ayaan joogaa, Gobolka Sanaag, Waxaan gacanta ku hayaa Hawlo nabadeed, arintaasna waan ogahay oo waata dhacday, markaa inaan hadda wax badan ka warramo ma jecli, waxaan doonayaa inaan ka aamuso, wakhtigeeda Hadii Alle yidhaah ayaan ka hadlayaa”.

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa 2005-tii waxa uu Mashruuc heshiis kula galay Huteelka Hargeysa Club Xukuumaddii Wakhtigaasi ee Daahir Rayaale Muddo lagu sheegay 20-Sanno, taasi oo aanu wax maal-gashi ah oo muuqda ku samayn marka laga reebo dhismayaal Qabyo ah oo uu Wajahadda hore ee Huteelkaasi Ganacsade kale kusii wareejiyay.

Dorraad ayay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland baahisay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland kaasi oo lagu laalay heshiiskaasi islamarkaana Huteelkaasi Hargeysa Club dib loogu celiyay gacanta Xukuumadda.

Ciidamo xukuumaddu dul dhigtay Huteel Hargeysa Club ayaa wakhtigan dul fadhiya huteelkaasi oo ay xukuumaddu si rasmi ah ula wareegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here