Ciidanka Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadhi Dawladdu Leedahay Oo Lagu Qabtay Iyadoo Jaad Lagu Soo Galinayo Koonfurta Magaalada Hargeysa

0
352

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa habeen hore gacanta ku soo dhigay Gaadhi (Hard Top) ah oo Lambarkii Dawladda ee GT-gu ku yaallo kaasi oo sida la sheegay lagu soo cabeeyay Geedka qaadka ah islamarkaana lagu soo kootarabaaninayay.

Gaadhigan Toyota ah oo midabkiisu ahaa Midabka caddaanka oo ay Ciidanka Booliisku habeen hore ku qabteen mid ka mid ah jidadka dhinaca koonfureed kasoo gala Magaaladda Hargeysa iyadoo qaad lagu soo kootaraabinanayo ayaa sida la xaqiijiyay ay lahayd Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha dawladduiyadoo wararka qaarna ay sheegayaan inuu gaadhigaasi ka mid yahay islmarkaana uu ka tirsan mid ka mid ah Xafiisyadda masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo uu si gaar ah ugu adeegto.

Inkasta oo aanay wali ka hadal hay’addaha ay arrintani khusayso, haddana Lama garanayo sababta ku kaliftay in gaadhi dawladeed lagu soo kootarabaaniyo Qaad, balse wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in gaadhigii iyo dirawalkiiba ay xidhan yihiin islamarkaana ay baadhis ku hayaan hay’addaha baadhista Dambiyadda Dawladdu.

Dhinaca kale waxay arintani fajiciso ku riday Shacabka Somaliland intii maqashay oo saacadihii la soo dhaafay isku dhaafsanayay baraha bulshada, waxaana islamarkiiba si xoog ah loogu qaadaa dhigay oo lasoo dhigay sawirkii gaadhiga iyo goobta lagu qabtay oo lagu sheegay Masalaha Koonfurta Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here