Xaalad Walaac Leh Oo Ka Taagan Galbeedka Somaliland Oo Ay Kusoo Qulqulayaan Dad Jabuuti Ka Yimid, Halka Ay Ka Soo Galayaan Iyo Cabsida Jirta

0
414

Guddida heer qaran ee La Tacaalidda iyo ka hor tagga Cudurka Dilaaga ah ee COVID19 ayaa shalay galab si rasmi ah shaaca uga qaaday qofkii dhawaan ku dhintay Magaalada Boorama uu u dhintay Caabuqa Karoona Fayras dhawr qof oo kalena laga helay cudurkaasi taasi oo tirada guud ee ay illaa hadda Guddidani ku dhawaaqday Somaliland ka dhigaysa in cudurkaasi haleelay 9 qof. Halka sidoo kale walaac weyn ay Gobolada Galbeedka Somaliland ka qabaan dad si xawli leh uga soo galayay muddooyinkan dambe dhinaca Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo xubin ka ah Guddida ka hor tagga Cudurka Dilaaga ah ee Covid19 Mudane Cumar Cali Bade oo warbaahinta shalay la hadlay waxa uu yidhi: “36 kiis oo aanu dirnay dhiiggooda ayaa jiray. Shalay (Dorraad) ayay na soo gaadhay xogtii baadhistu. Xogtaasi waxa ka soo baxay qodobo Afar ah oo ay muhiim tahay in dadka Muwaadiniinta ahi aad iyo aad u ogaadaan. Dadka dhiigga laga qaaday gudaha Magaalada Hargeysa waxa ay ahaayeen 20 qof. 1 qof oo ka mid ah ayaa la xaqiijiyay. Qofkaasina waa qofkii Magaalada Boorama ku dhintay. Xanuunku wuu innagu jiraa. Qofkaasi ma aha qof qurbaha ka yimid. Ma aha qof safarro galay oo dibadaha u baxay. Saddex qof ayaa iyaguna ahaa kuwo dhiigga la qaaday laga keenay Burco dhammaantoodna waa laga waayay. Qof kale oo Berbera ka yimid oo aannu gacanta ku hayno ayaa isna laga helay. Waxa jiray 12 qof oo Karanriin ku jiray hal qof ayaa iyagana laga helay oo qaba cudurkan. Arrimahani waxa ay muujinayaan in cudurkii u gudbay heer cusub oo uu fidayo waana arrin u baahan in taxadar weyn oo cusub la galo”. Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya Magaalada Boorama ee Caasimadda Gobolka Awdal waxa ay sheegayaan in Gobolada Galbeedka ay walaac weyn ku hayaan dad badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku soo qulqulaya, kuwaasi oo ka imanaya waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah waddanka illaa hadda tirade ugu badani ug le’edeen cudurkan kuwaasi oo ka soo tallaabaya dhinaca Xadka deegaamada u dhaw Magaalada Xariidad ee Itoobiya. Dadkan ayaa marka hore inta ay Jabuuti uga soo gudbaan dhinaca Itoobiya kadibna Somaliland uga soo gudbaya deegaanka Xariirad. “Dad badan oo aanay cidina kantaroolin ayaa maalin walba si xawli leh uga soo gudbaya Xariirad. Waxa ay dadkaasi marka hore ka imanayaan Jabuuti waxaanay soo marayaan Deegaanka Ayshaca oo ah dhinaca Itoobiya kadibna Xariirad ayay soo beegsanayaan oo dalka ka soo galayaan. Taasi ayaa ah walaac weyn oo jira mana naqaano wax cudurkan qaba, haddii dadku xanuusadaan ma jiro meel ay tagaan iyo cid qaadaysaa toona” sidaa waxa yidhi wariye ka hawl gala Gobolka Awdal oo aannu la xidhiidhnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here