Ilhaan Cumar Oo Mar Kale Guul Weyn Ka Gaadhay Siyaasadda Dalka MAREYKANKA

0
283

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha aqalka Congreska waddanka Mareykanka ayaa markale gaadhay guud siyaasadeed oo aad u weyn, kadib markii ay ku guuleysatay cod bixin loo qabtay hab Online ah.

Ilhaan ayaa maanta guuleysatay wareegga 1-aad ee codbixinta is-reereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka ee lagu wado inay dhacdo bisha soo socota ee November.

Codbixinta ayaa socotay muddo 9 maalmood ah, waxaana Ilhaan Cumar ay tartanka kaga guuleystay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton oo ah nin madow ah, islamarkana si wayn uga soo horjeeday iyada.

Sida lagu sheegay natiijada xildhibaanada aqalka Congreska ee Ilhaan Cumar ayaa heshay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka Antone Melton uu helay 30.9%.

Waa 37 sanno jir Ilhaan, waxaana ay taariikh ka sameysay Mareykanka, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeeyey oo Soomaali Mareykan ah oo dalkaas ka qabta xil sare.

Sannadkan dhammaadkiisa ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Mareykanka, iyadoona uu sii dhamaanayo waqtiga xil heynta Trump oo ay si weyn isku hayeen muddo xildhinaanad Ilhaan Cumar oo markale u muuqata inay ku soo laaban doonto kursigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here