Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo U Geeriyooday Cudurka Halista Ah Ee COVID-19.

0
291

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goor-dhawayd ku geeriyooday Wasiirkii deegaanka iyo Beeraha maamul Gobolleedka Puntland oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay cisbitaal ku yaalla Muqdisho.

Wasiirka oo lagu magacaabi Ismaaciil Ga’madiid ayaa waxaa ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo muddooyinkii dambe la xanuunsanayay, isagoo ugu dambeyn u geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Geerida Marxuum Ga’madiid ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Wasiir Ga’madiid ayaa dhawaan waxaa xaalad Caafimaad loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho, wuxuuna kamid ahaa dad deegaanka Puntland oo kula dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisaas farabadan laga helay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here