Maxay ahaayeen meydadka habeen kasta doonta laga daadinayay?

0
559

“Cidna ma oga inta ay la egtahay tirada dadka dhintay. Waxay noqon kartaa 50 ama ka badan,” ayey tiri Khadiza Begum, oo dib u xasuusaneysa musiibadii qabsatay.

Khadiza, oo ah haweeney ka mid ah qaxootiga Rohingya, waxay kasoo qaxday gurigeeda ku yaalla Myanmar si ay uga baxsato qalalaasaha, waxayna dagtay xero qaxooti oo ku taalla Bangladesh, halkaasoo ay kooxo dadka tahriibiya kasoo siisy lacag ay ku geeyaan ilaa dalka Malaysia.

Waxay soo raacday boqollaal kale oo qaxooti ah, iyagoo rajeynaya inay nolol cusub halkaas ka sameystaan. Laakiin arrimihu ma noqonin sidii la qorsheeyay.

Tani waa sheekadeeda naxdinta leh oo ku saabsan in muddo labo bilood ah ay ku dhex xayirnaayeen badda gudaheeda, iyagoo aan heysanin cunto iyo biyo toona, dadkii ka dhintayna waxaa lagu tuurayay badda.

Haweeneydan 50 jirka ah waxay ka mid tahay 396 qof oo qaxootiga muslimiinta Rohingya ah oo ay soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Bangladesh, kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ku xannibneyd badda muddo labo bilood.

Qiyaasteeda ku saabsan tirada dhimashada waxay ka xiganeysaa janaasooyinkii uu imaamka ka ahaa wiilkeeda, oo isla doontaas la saarnaa.

Qalasaaha ay Khadiza kasoo barakacday waxay dabibaareyaasha Qaramada Midoobay ku qeexeen ‘isir baabi’in.’

Dalka dariska la ah ee Bangladesh ayey ka heshay gabbaad, waxayna ku biirtay barakacayaasha Muslimiinta Rohingya ee ku jira waxa hadda lagu tilmaamo xerada qaxootiga ee ugu weyn adduunka.

Ku dhawaad 1 milyan oo reer Rohingya ah ayaa ku xareysan xeradaas ku taalla Bangladesh oo lagu magacaabo Cox’s Bazar, qaar ka mid ahna, sida Khadiza, waxay ku riyoodaan inay nolol fiican ka sameystaan dalka Malaysia.

Doonta qaxootiga wadday waxay kusii jeedday Malaysia
 

Meydad la tuuray

Laakiin marka la eego xaaladda ku dhacday Khadiza, riyadaas waxay isu badday qarow naxdin leh.

Waxay dib u xasuusaneysaa sida ay shaqaalihii doonta – oo ah dadkii wax tahriibinayay – isugu dayayeen inay qariyaan dhimashada ka dhaceysay doonta ay soo buux dhaafiyeen.

“Labo matoor ayey kicin jireen si aan loo maqlin shanqarta biyaha xilliga ay meydadka ku tuurayaan badda.”

Waxay sheegtay in badanaa meydadka la tuuri jiray waqtiga habeennimada ah.

“Waxaan hubaa inay dhinteen 14 ilaa 15 haween ah.”

Khadiza waxay ilaa hadda aad uga murugootaa geerida haweeney ay dhinaca isku hayeen.

Haweeneydaas oo harraad ba’an uu qabtay, waxaa markii hore laga dareemayay inaysan xaaladdeeda fiicneyn.

Shaqaalihii doonta ayaa geeyay qeybta kore, halkaasoo ay ku geeriyootay, sida ay Khadiza sheegtay.

“Ilaa hadda waxaan kusoo qarwaa dhimashadeeda. Horteenna ayey ku naf baxday.”

Haweeneydaas waxay doonta la saarneyd afar carruur ah oo ay dhashay.

“Wiilkeyga ayaa gabadheeda weyn, oo 16 jir ah, u sheegay inay hooyadeed geeriyootay.”

Doontu waxay biyaha ku dhex jirtay labo bilood
 

Carruur rajowday

Khadiza qudheeda waa hooyo dhashay afar carruur ah.

“Saddexda kale ee carruurta haweeneydaas ah ma aysan ogeyn waxa ku dhacay hooyadood.” ayey tiri. “Way iska oynayeen, waxay ahayd xaalad qalbijab ah.”

“Meydkeedii durba waxaa lagu tuuray badda.”

Dahabkeedii ayey iibisay

Khadiza waxay iibisay dahabkii ay lahayd waxayna ka heshay lacag dhan $750 si ay u siiso kooxda wax tahriibisa ee doomaha dadka saarta.

Kaddib, habeen ka mid ah bishii February ayuu soo dhacay telefoonkii ay sugeysay.

“Ninkii isoo wacay ayaa iga dalbaday inaan imaado meesha ay basaska istaagaan.”

Mar walba qarsoodi ayey ka dhigi jirtay qorshaha ku saabsan inay tahriibaan.

“Waxaan dariskeyga u sheegay inaan doonanayo dawooyin.” ayey ku tiri BBC-da.

Iyadoo ay la socdaan wiilkeeda iyo gabadheeda, waxay quful ku xirtay aqalkeedii, xilli mugdi ah ayeyna baxday.

Nin ayaa kula kulmay goobta uu baska istaago, wuxuuna geeyay meel barxad ah oo ay ku aragtay boqollaal ruux oo kale.

Markaas kaddib waxaa la saaray doon si tartiib ah u socotay.

Khadiza wiilkeeda wuxuu janaasada ku tukanayay dadka ku dhinta doonta dhexdeeda
 

Ma jirto meel lugaha lagu fidsado

Labo maalmood markii ay sii socdeen, waxaa lagu wareejiyay doon kale, oo tii hore ka weyn, dad badanna ay ka buuxaan.

Khadiza waxay xasuusataa inay weysay meel yar oo ay lugaha ku fidin karto.

“Waxaa dadka ka mid ahaa qoysas ka kooban haween iyo carruur. Waxay ila tahay inay dadka doonta saarnaa ka badnaayeen 500 oo qof.”

Inkastoo doontaas ay xoogaa ka weyneyd doomaha caadiga ah ee laga isticmaalo Aasiya, haddana ma ahayn mid ku filan tirada sidaas u badan.

Shaqaalaha doonta waxay joogeen qeybta ugu korreysay, dumarka waxaa la siiyay qeybta dhexe, raggana waxaa lagu khasbay inay galaan qeybta ugu hooseysa.

Ragga doonta watay ee wax tahriibinayay waxay ahaayeen kuwo kasoo jeeda Myanmar – oo ah waddanka laga soo qixiyay Muslimiinta qowmiyadda Rohingya.

U dhawaanshaha Malaysia

Kaddib markii ay 7 maalmood dhexda kusii jireen, ugu dambeyn waxay kor ka arkeen xeebta Malaysia.

Halkaas marka ay joogaan waxaa la filayay inay u imaadaan doomo yar yar oo xeebta geeya.

Laakiin cidna uma imaanin.

Cudurka coronavirus ee dillaacay ayaa sababay in ciidamada ilaalada xeebaha ee Malaysiga ay aad u adkeeyaan amniga xadka badda.

Kabtankii doonta ayaa qaxootigii u sheegay inaysan gali karin Malasia.

Rajadii ay lahayd Khadiza waxaa burburiyay cudurka safmarka ah.

Illustration of a boat on a shore
 

Iyagoo wali biyaha ku dhex jira ayaa markii dambe waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada xeebaha ee waddanka Thailand. Waa la xirxiray raggii doonta ku waday qaxootiga, laakiin markii dmabe waa lasii daayay.

“Waxay ila tahay inuu dhex maray heshiis.”

Kacdoon doonta dhexdeeda ah

Ugu dambeyn way caddaatay inaan meelna loo soconin.

Qaar ka mid ah dadkii doonta saarnaa ayaa billaabay inay kacdoon sameeyaan, iyagoo dalbanaya in meesha ugu dhow la geeyo, xitaa haddii ay tahay Myanmar. Laakiin waa lagu gacan seyray labadkooda.

Kabtankii iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa oo ahaa 10 qof waxay ogaadeen inaysan dagaal uga guuleysan karin qiyaastii 400 oo ruux, waxayna si qarsoodi ah ugu baxsadeen doon yar oo ay u yeerteen.

Labo ka mid ah naaquudayaashii doonta ayaa soo haray waxayna dib ugu celiyeen dhinaca Bangladesh.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Bangladesh ayaa ugu dambeyn soo badbaadiyay.

Khadiza Begum waxay iyadoo argagaxsan dib ugu laabatay xeradii qaxootiga
 

Wax kasta way ka qasaareen

“Aaad baan u farxay markaan xeebta arkay muddo 2 bilood ah kaddib.” ayey tiri Khadiza.

Waxay mar kale dib ugu soo laabteen Bangladesh.

Kaddib markii ay labo isbuuc karantiil ku jirtay, Khadiza waxay ku laabatay aqalkeedii xerada qaxootiga. Laakiin waxay u tagtay qoys kale oo qaatay goobtii ay dagganeyd.

Ma jirto rajo ay dib ugu laabato beertii ay ku lahayd Myanmar.

Hadda waxay meel aad u yar isla seexdaan gabadheeda iyo wiilkeeda.

“Wax kasta waxaan ku waayay riyadeyda.” ayey tiri.

“Waligaa ha sameynin khaladkii aan aniga sameeyay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here