Maxay ahayd Dhalada 140 sano meel taalay ee lagu iibiyay 120 kun oo doolar?

0
616

Mid ka mid ah dhalooyiinka ugu da’da wayn ama ugu qadiimisan oo ay ku jirto khamriga loo yaqaano Cognac ayaa lagu iibsaday lacag dhan £118,580 ka dib markii la geeyay suuqa xaraashka.

Dhaladan ayaa lagu iibiyay qaaba xaraash ah oo Online ah.

Dhaladan ayaa waxay soo jirtay ilaa iyo sanaddii 1762 waxaana 140 sano lagu hayay qolka qoys ku nool dalka UK.

Dhaladan waxaa iibsaday shirkad laga leeyahay Eesshiya taasi oo uruurisa waxyaabaha qadiimiga ah islamarkana waxay noqotay dhaladii ugu qaalsanayd ee u ku jiro dareeraha.

Dhaladan waa mid ka mid ah saddex dhalo oo ay ku jiraan khamriga loo yaqaano Cognac ee ilaa iyo imika jira islamarkana qadiimiga ah.

Mid ka mid ah dhalooyiinka ayaa 2014 lagu iibiyay madxaf ku yaalla Faransiiska iyada oo uu qiimaha ahaa £48,000,.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here