Haweeney “ka been sheegtay” hantideeda oo laga saaray liiska maalqabaneedda

0
571

Jariiradda Forbes ayaa liiskeeda dadka bilyanneerka ah ka saartay haweeneyda baayac  mushtarka ah ee Maraykanka u dhalatay, Kylie Jenner, waxaana ay majaladda ku eedeysay qoyskeeda inay ka badbadiyeen qiimaha ganacsigeeda waxyaabaha la isku qurxiyo.

Forbes ayaa sheegtay in qoyskaasi uu “geed dheer iyo mid gaaban u fuulay” sidii uu u muujin lahaa in gabadhooda da’da yar ay leedahay hanti ka badan teeda rasmiga ah.

Jenner oo barteeda Twitter-ka ugu jawaabtay jariiradda ayaa ku tilmaamtay “qoraal aan sax ahayn oo ku salaysan malo aan la hubin.”

Waxa ay intaa ku dartay in weligeed aanay raadsan mansab aysan lahayn ama aysan ka been sheegin heerkeeda.

Forbes ayaa sanadkii hore shaacisay in Kylie Jenner ay tahay bilyaneerka ugu da’da yar adduunka.

Jariiradda, oo ku caanbaxday liiska bilyaannarada caalamka, ayaa markaasi sheegtay in Jenner ay hantideeda ugu badan ka heshay shirkad waxyaabaha la isku qurxiyo iibisa oo ay sameysay 2015.

Sanadkii hore ayay shaacisay in 51% shirakaddeeda ay uga iibineyso shirkadda magaca leh ee Coty lacag dhan 600 oo milyan oo dollar.

Forbes ayaa sheegtay in xisaabiyayaasha qoyska Kylie Jenner ay usoo gudbiyeen canshuur celin muujinaysa in shirkaddeeda ay sanadkii 2016 iibisay alaabo dhan 300 oo milyan oo dollar, halka sanadkii xigeyna ay soo xareysay lacag dhan 330 milyan oo dollar.

 

Balse macluumaad ay jariiraddu ka heshay shirkadda Coty ayaa muujiyay in shirkadda haweeneydaasi “ay aad uga qiimo hooseyso intaasi, ayna sanado badan buunbuuninayeen qoyskeeda,” sida ay sheegtay Forbes.

Qiimeyn ay shirkadda Coty usoo bandhigtay maalgashatada ayaa muujineysa in shirkadda Kylie Jenner ay sanadkii 2018 soo xareysay lacag dhan 125 milyan oo dollar.

Weriyayaasha Forbes ayaa horay ugu eedeeyay dad maalqabeenno ah inay ka been sheegeen hantidooda, shakhsiyaadkaasi oo ay kamid yihiin xoghayaha ganacsiga ee Maraykanka, Wilbur Ross iyo Madaxweyne Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here