Somaliland: Qofkii 19-Aad Oo Covid_19 U Dhintay Iyo Dad Kale Oo Laga Helay

0
425

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa Maanta shaacisay tiro kale oo ah Dad uu ku dhacay Xanuunka Covid_19 iyo dhimashada hal Qof.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19 ayaa sheegay in 48-kii Saacadood ee u dambeeyay baadhitaan lagu sameeyay 110 Qof, 29 ka mid ahna laga helay xanuunka, taasi oo tirada guud ee Xanuunka laga helay ka dhigaysa 286 Qof.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in hal Qof oo dumar ahi ay Magaalada Hargeysa ugu Geeriyootay Xanuunka Covid_19, taasina ay tirada Dadka Xanuunka Somaliland ugu Geeriyooday ka dhigayso 19 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here