Kulan Aan Ujeedadiisa La Fahmin Oo Wasiirka Warfaafintu Meel U Dhaw Xadka Somaliland Iyo Soomaaliya Kula Yeeshay Odayaal Puntland Ka Yimid

0
446

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maalmihii ugu dambeeyey booqasho ku joogay Gobolka Sool ayaa waxa uu shalay Kulan gaar ah oo aan ujeeddiisa la shaacin la yeeshay odayaal iyo wax-garad ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kulankaasi oo aan warbaahinta wax xog ah laga siin.

Kulankan ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Cuqaasha iyo waxgaradka ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxa uu ku dhex maray sida wararku sheegayaan deegaanka Bohol Waraabe oo dhanka Bari ka xigta Deegaanka Tukaraq oo u dhaw xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya kaasi oo muddo dhawr saacadood ah ay labada dhinac kulan fool ka fool ah ku yeesheen.

Kulankan ay Cuqaal iyo waxgarad ka yimid Puntland ay deeganka Bohol-waraabe kula yeesheen waftiga ka tirsan xukuumada Somaliland ee uu hoogaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka Iyo wacyi-galinta, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxey shirkaasi oo ka qabsoomay deegaan bannaan ah oo barwaaqo ah sida ay muujinayaan sawirrada shirkaasi laga soo qaaday oo lagu baahiyay Baraha Bulshadu.

Illaa hadda ma cadda ujeedada kulankan iyo waxa uu daarnaa, labada dhinacna warbaahinta ugama ay warramin waxa ay ahayd ujeedadiisu balse waxa uu kulankaasi ku soo beegmayaa wakhti xaaladda Gobolka Soo lee dhinaca xuduuddu in muddo ah iska daganayd oo aanay ka dhicin waxa shaqaaqo ama dagaal ahi balse dhinaca kale uu kulankaasi ku soo beegmayo iyada oo dadka deegaankaasi gaar ahaan kuwooda u janjeedhay dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ay muddoba saluugsanaayeen siyaasadda Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni iyo gaar ahaan siyaasadihiisa ku aaddan deegaamada Gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here