Toddoba Wasiir Oo Muddo Ku Sugan Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Aan Wali Wax Xal Ah Keenin Iyo Suldaankii Ugu Miisaanka Cuslaa Deegaankaasi Oo Usii Jeeda Dhinaca MaamulkaPuntland

0
457

Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta waaweyn ee Galbeedka Sanaag Iyo Bariga Burco iyo taageerayaal uu wato ayay wararku sheegayaan in uu maalmihii ugu dambeeyey ku sugan yahy Magaalada Dhahar ee Deegaamada Sanaag Bari halkaasi oo uu ku tagay xaalad baxsad ah iyo cadho kadib markii Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed dhawaan amar ku bixiyay in la soo qabto Suldaanka taasi oo la sheegay in ay keentay in Suldaanku u fakado dhinacaa iyo Sanaag Bari.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ahi sida ay xalay u xaqiijiyeen Wargeyska Foore waxa dhinaca kale khilaaf culus oo maamul soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, khilaafkaasi oo la sheegay in uu salka ku hayo hannaanka maamul ee loo maareynayo xaaladda nabad ku soo dabbaalaidda deegaanka Ceel Afweyn, Arrintaasi oo keentay in maalmihii ugu dambeeyey ay soo baxaan xogo hoose oo sheegaya in Wasiirka Qorshayntu damacsan yahay in uu xilka iska casilo balse aan wali wax xaqiiqo ahi ka soo bixin, islamarkaana uu isna xalay uu ka hadlay uu beeniyay warkaasi.

Inkasta oo xaaladda Degmada Ceel Afweyn iyo Nabadayntii muddoba xukuumaddu ugu hawlanayd aanay waxba soo kordhin xaaladduna waxba iska baddalin haddana waxa dhinaca kale deegaankaasi ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku dhawaad 7 Wasiir inkasta oo qaarkood Hargeysa ku soo laabtay saacadihii la soo dhaafay, wasiiraddaasi, la taliyayaal madaxweyne, iyo saraakiil kale oo dawladeed ayaa muddoba masallaha dhigtay deegaanka Ceel Afweyn waxaana ka mid ah wasiirradaasi kuwo badankoodu dhalasho ahaan deegaamadaaasi ka soo jeeda, kuwaasi oo kala ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Bandare

Wasiirka Distoorka iyo Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo sidoo kale la taliyaha Madaxweyne Cali Maxamed Warancadde kuwaasi oo muddoda ay joogeen oo ku dhaw dhawr bilood wali aanay xaaladda deegaankaasi salka dhigi iyada oo ay jirto cabasho badan oo dhinacyada is haya qaarkood ka imanaya halka la filayo in dhawaan xukuumaddu kulan ballaadhan deegaankaasi ku qabato oo lagu shaacinayo in la soo af-jarayo xaaladda deegaanka inkasta oo dhinaca kale dorraad Gobolka Sanaag dil kale ka dhacay.

Isku soo wada duuboo xaaladda ayaa u muuqata mid adag oo aanay wali saldhigin arrinteedu dhinacyo badana culays ku hayaan sidii xal loo gaadhi lahaa.

Dhinaca kale Wasiirka Qorshaynta Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa xalay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku beeniyay wararka sheegaya inuu wax istiqlaalad ah u gudbiyay Madaxweynaha waxaanu qoraalkiisa ku yidhi “Dadka beentan iyo xasaradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa la doorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxaan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye, Wax aan dani ugu jirin bay gelin hore iyo gelin dambe u taaganyihiine may dantooda ku foofaan”.

Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here