Mucaaridka Somaliland Oo U Jawaabay Farmaajo

0
391

Xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay khudbadiisii furitaanka kalfadhiga toddobaad ee baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inuu soo dhoweynayo hadal uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

Halka Farmaajo waxaa ka jawaabay Xoghaya warfaafinta ee Xisbiga mucaaradka ah UCID Yuusuf Keyse, waxuuna sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in Somaliland ay ogolaatay wadahadal, uu yahay mid siyaasadeysan oo Farmaajo uu ku doonayo in dib loogu soo doorto.

“Sida uu caddeeyay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaan qabnay in maadaama uu bilaamay wakhtigii ololaha doorashada Soomaaliya aan la bileebin wax wadahadal ah, laakiin kulan ay yeesheen labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, waxaa la isku raacay in ololaha doorashada Soomaaliya inta aan la gelin, uu Farmaajo caddeeyo af iyo qoraalba in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu ku xidhanyahay hal shardi oo ah inuu cadeeyo in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, si wadahadalkii u bilaamo” ayuu yidhi Yuusuf Keyse.

Sidoo kale Xoghaya Yuusuf Keyse ayaa sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid uu ku sirayo golleyaashiisa Kaambeyna uu ka dhiganayey. Basle ayna jirin wax Somaliland ay kala socoto hadalkaas.

“Wax ay Somaliland ka ogtahay hadalkii Farmaajo ma jiro, wadahadallo lagu heshiiyey inay bilaamaana ma jiraan, go’aankeenu waxa uu ahaa inta ka horreysa Kaambeynkiisa, inuu umadda u caddeeyo in laba dal oo kala madax-banaan oo Soomaaliya iyo Somaliland la kala yidhaahdo ay wadahadalkii bilaabayaan” ayuu Keyse hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde oo la hadlay VOA ayaa sheegay in wakhti kooban uu mudadii xilheynta uga hadhay madaxweyne Farmaajo, isla markaana aanu hadalkiisii anfaceyn Somaliland, maadaama doorasho foodda ku soo heyso.

“Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya waa mid wakhti kooban u hadhay, hadalka kasoo yeedhayna waa mid un iska Kaambeyn ah, loomana baahneyn in arintaas uu ololihiisa doorashada u isticmaalo, midda kale madaxweyne Farmaajo Somaliland abaal uma dhigan, aniguna maba jecli in la hor fadhiisto gabigiisba” ayuu yidhi Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde.

Xoghaye Xuseen Aadan ayaa sababta uu u diidanyahay in wadahadal lala galo dowlad uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Somaliland oo xataa ka hor istaagay qutul-daruurigii.

Dhan kale xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here