Sacuudiga Oo Qorsheynaya In Xujeyda Uu U Fasaxo Dalkiisa

0
307

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka fiirsaneysa in tiro yar oo xujey ah ay u ogolaato dalkeeda si ay u soo gutaan acmaasha xajka oo ku beegan dabayaaqada bisha soo socota ee July.

Magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina ayaa sannad walba waxaa booqda 2.5 malyan oo ka mid ah muslimiinta ku dhaqan daafaha Caalamka.

Illo ku dhow boqortooyada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in waaxda xajka ay ka arinsaneyso in loo ogolaado xujey yar sannadkaan.

Balse waxay lagu xidhi doonaa dadka xajinaya shuruudo adag oo ay ka mid tahay dhanka caafimaadka in 20 boqolkiiba ay helaan wadamada joogtada ka ah Xajka.

Acmaasha xajka ayaa ah waajib qof kasta oo muslim ah saaran haddii uu Awoodo.

Isku socodka caalamka ayaa bishii sadaxaad ee sanadkaan hakad ku yimid kadib markii cudurka Corona uu boqolaal kun oo qof ay ugu dhinteen caalamka halka inkabadan 6 milyan oo kale uu soo Ritay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here