Abiy Axmed oo xilka sii heysan doona xilli aan la cayimin

0
337

Xildhibaannada dalka Itoobiya ayaa u codeeyay in la kordhiyo muddo xileedka dowladda uu Ra;iisul Wasaaraha ka yahay Abiy Axmed, taasoo loo oggolaaday inay maamulka sii heyso waqti aan la cayimin.

Mudaheyaasha oo kulan yeeshay ayaa sidoo kale isku raacay in waqtiga loo kordhiyo maamul goboleedyada federaalka Itoobiya.

Waxay dhanka kale sheegeen in doorashada guud ee qaranka la qaban doono 9 bilood kaddib marka ay mas’uuliyiinta Caafimaadka ku dhawaaqaan inaysan wax halis ah jirin.

Dadka kasoo horjeeda tallaabada baarlamaanka uu xarigga ugu sii daayay xukuumadda ayaa walaac ka muujinaya in aysan jirin cid og waqtiga uu dhammaan karo cudurka safmarka ah ama in ay dowladdu mar kale dalban doonno muddo kordhin xileed iyo dib u dhigista doorashada.

Maalintii Isniinta, Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya Kheyriya Ibraahim ayaa xilkii iska casishay, iyadoo u muuqatay inay ka careysneyd qorshaha dib u dhigista doorashada waddankaas ku yaalla geeska Afrika.

“Dowlad kelitalis ah oo dhismeyso si aanan garab ugu noqon ayaan xilka isaga casilay”

Khayriya Ibrahim oo iska casishay xilka xilki guddoomiyaha aqalka sare ee ay haysaya

Kheyriya oo ka hadleysay sababta ay xilka isaga casishay ayaa tiri: “Koox kelitalis ah oo maalin walba dastuurka dalka ku xad gudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi.”

“Dowladda talada dalka Itoobiya hadda haysa waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka isku qasto si ay u kororsato mudda xileedkeeda, ayey sii raacisay hadalkeeda.

Dr Abid Axmed ayaa isbaddal weyn ka sameeyay dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2018-kii. Dadka isha gaarka ah ku haya waddankaas waxay dadaalladiisa ku qeexeen inuu Itoobiya uga dhigay waddan kale oo gabi ahaanba ka duwan kii hore.

Hase ahaatee bilihii ugu dambeeyay wuxuu wajahayay mucaaraddo weyn iyo dhaliilo ku aaddan sida uu maamulkiisa u maareynayo awood qeybsiga federaalka.

Abiy Ahmed at a rally

Dhowrkii bilood ee ugu horreysay maamulkiisa, kaddib markii uu xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii sida lama filaanka ah isu casilay ee Hailemariam Desalegn, Mr Abiy wuxuu waddanka ka saaray xaalad deg deg ah oo uu ku jiray, wuxuuna amray in la sii daayo kumannaan maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed iyo sababo kale.

Wuxuu sidoo kale fasaxay inay dib u howl galaan boqollaal warbaahin oo laga mamnuucay dalkaas.

Waxa uu durbadiiba soo afjaray xaaladdii dagaal ee u dhaxeysay Itoobiya iyo Eretariya, taasoo muddo dheer taagneyd.

Si loo soo celiyo nabadda labada waddan, wuxuu ka tanaasulay dhul xuduudda u dhowaa oo ay ku muransanaayeen Itoobiya iyo Eretariya.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu heshiis nabadeed la galay dowladda Iretariya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Isaias Afwerki

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa Dr Abiy la guddoonsiiyay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda (Nobel Peace Prize).

Arrimihii ugu waaweynaa ee ku saabsan Abiy Axmed

  • 2-dii bishii April 2018 – Wuxuu noqday Ra’iisul Wasaare kaddib markii uu si lama filaan ah isu casilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn
  • Bishii May – Wuxuu xabsiyada kasii daayay kumannaan qof oo u xirnaa arrimo siyaasadeed, kuwaasoo uu ku jiray hoggaamiyihii mucaaradka Andargachew Tsege
  • 5-tii bishii June – Wuxuu dalka ka saaray xaaladdii degdegga ahayd, labo bilood ka hor waqtigii la qorsheeyay
  • Isla 5-tii bishii June – Wuxuu aqbalay xukun ay Itoobiya uga tanaasuleysay dhul xadka ku yaalla oo ay ku muransanaayeen Eretariya
  • 9-kii bishii July – Isaga iyo madaxweynaha Eretariya waxay ku dhawaaqeen in lasoo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay labada dal
  • 11-kii September – Wuxuu dib u furay marinta dhulka ee xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eretariya
  • 16-kii bishii October – wuxuu kala bar ka mid ah xilalka wasiirrada usoo magacaabay haween

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here