Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya?

0
368

Aqalka sare ee baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay loo xushay Afhayeen Soomaali ah.

Kafadhiga 5-aad ee golaha Federeeshiinka (Aqalka Sare) ee dalka Itoobiya uu maanta yeeshey ayaa cod aqlabiyad ah xilka loogu doortay Aadan Faarax Ibraahim, oo kasoo jeeda deegaanka Soomaalida.

Adan oo ah siyaasi caan ka ah dalkaasi Itoobiya ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay deegaanka Soomaalida iyo Ismaamulka Diridhaba.

Hadda wuxuu ahaa madaxweyne kuxigeenka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, isagoo horay u soo qabtay xilka maayarka ismaamulka Diridhaba iyo xilal wasiirnimo.

Guddoomiyaha aqalka sare ee Itoobiya Adam Faarax Ibraahim ayaa beddelay Guddoomiyihi hore ee golaha Kheyriya Ibraahim oo xilka maalmo ka hor iska casishay.

Aadan Faarax ayaa ku dhashay deegaanka Soomaalida, kuna soo barbaaray.

Waxbarashadiisa heerka koowaad iyo heerka labaadna wuxuu ku soo qaatay gudaha dalka Itoobiya.

Waxaa si gaar ah loogu xusustaa doorkii horumarineed ee uu ka qaatay ismamulka magaalada Diridhaba inta uu Maayarka ka soo ahaa.

Maxamed Rashiid Xaaji, wuxuu iska casilay xilka Guddoomiye ku xigeenka Aqalka

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Aqalka Sare Maxamed Rashiid Xaaji ayaa si iskiis ah uga dagay xilka guddoomiye ku xigeenka maadaamaa aysan suuragal noqoneyn in guddoomiyaha iyo ku xigeenkaba ay hal deegaan ka soo wada jeedaan.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare waxaa isla maantaba loo doortay Itsegenet Mengistu.

Golaha kalfadhigiisa maanta wuxuu marki seddexaad cod aqlabiyad ah dib u dhigay tirakoobki afaraad ee dadka iyo guriyaha oo dalka Itoobiya ka dhici lahaa.

Dhanka kale, Gobollo ka tirsan ismaamulka Shucuubta Koonfureed ee dalka codsigii ay soo gudbiyeen ee ahaa iney dowlad deegaan gaar ah noqdaan wuxuuu golouhu u saaray guddiyo soo daraasadeeya oo golaha warbixin hor keena.

Golaha ayaa maanta ku dhawaaqay guddoomiyaha cusub

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa qabanqaabadeeda la galay kaddib markii ay Isniintii xilkaa iska casishay Kheyra Ibraahim, oo tabasho muujisay.

Kheyriya oo ka hadleysay sababta ay xilka isaga casishay ayaa tiri: “Koox kelitalis ah oo maalin walba dastuurka dalka ku xad gudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi.”

“Dowladda talada dalka Itoobiya hadda haysa waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka isku qasto si ay u kororsato mudda xileedkeeda, ayey sii raacisay hadalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here