Nin 40 haween ah hal magaalo ku kufsaday oo la xiray

0
609

Booliska dalka Nigeria ayaa sheegay in la xiray nin ka mid markii hal magaalo oo ku taala dalkaasi lagu kufsaday dumar gaaraya 40 muddo hal sano ah .

Hooyo ku nool magaalada waqooyiga ku taala ee lagu magacaabo Dangora ayaa ku qabtay nin qolka caruurteeda sida uu sheegay afhayeen u hadlay bileyska oo lagu magacaabo Abdullahi Haruna,waxaana intaas raaciyay in uu ninku cararay isla markaana ay derisku baacsadeen ayna ugu dambeyn qabteen.

Qabashada ninka ayaa dhacday Talaadadii.

Sida ay boolisku sheegeen falalka kufsiga ah waxaa ka mid ah weeraro loo gaystay haweeney 80 jir ah iyo carruur qarkood ka yar da’da 10 sano jirka.

Waxaa dhawaanahanba jiray kufsi iyo dil loo geysanayo dumarka ku nool dalka Nigeria, taas oo dhalisay buuq weyn, iyadoo kumanaan qofna ay saxiixeen dalab ah haashtaag #WeAreTired) waan daalney.

Dangora ayaa ah magaalo yar oo ku taala gobalka Kano isla markaana dhainaca koofur galbeed kaga began magaalada Kano,taasi oo la sheegayo in ay adagtahay in boolisku ay ka jawaabaan dhibaatooyinka ka dhaca sida uu sheegayo wariyaha BBC-da Mansuur Abubakar ee magaalada Kano.

.

Gudoomiyaha magaalada,Axmadu Yau, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qabashada ninkaan .

“Dadka reer Dangora aad ayey u faraxsan yihiin waqtigan waxaan rajeyneynaa in cadaaladda si hufan loogu adeegi doono”.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay ku noolaayeen sanadkii la soo dhaafay cabsi, xitaa marka ay guryahooda joogaan, maxaa yeelay waxaa ay maqleen in kufsi wadareed uu gaytay nin dayrka ka soo dhacay isla markaana gudaha dumar ugu gaystay kufsi.

“Haatan waan seexan karnaa innagoo indhaha isku hayna ,”waxaa sidaasi BBC-d u sheegtay mid ka mid ah haweenka deegaanka .

Falalkii naxdinta lahaa ee dhawaan ka dhacay dalka Nigeria.

Uwavera Omozuwa oo ah ardayad dhigata jaamacadda ayaa sida loo maleynayo u geeriyootay kufsi loo gaystay kadib markii madaxa laga garaacay isla markaana uu burburay,iyadoona qof looga shakinsanyahay dhacdaas xabsiga la dhigay .

  • Gabar 12 sano jir ah ayaa in ka badan labo bilood kufsi loogu gaysanayay deegaanka Jigawa oo ku yaala waqooyi galbeed dalkaas,waxaana dhacdaas loo xiray 11 qof oo looga shakisanyahay.
  • Tina Ezekwe waxaa dilay nin ka tirsan bilayska koonfur-galbeed ee Lagos,waxaana la xiray labo ka tirsan booliska.
  • Barakat Bello ayaa iyana la sheegay in la kufsaday laguna dilay Koonfur-galbeed ee gobalka Oyo,hase yeeshee kiiskeeda cidna looma qaban .
  • Sidoo kale Gabar 17 jir ah ayaa lagu kufsaday koonfur-galbeed ee gobolka Ekiti, labo qof oo lagu tuhmayo in arrintaas ay ku lug lahaayeen ayaa la xiray .

Falalka kufsiga ah ee soo badanaya waxyaabaha loo sababeynayo waxaa ka mid ah in qoysaska qaar iyo shaqsiyaadka dhibanaha u ah kufsiga ay ka cabsanyaan takoorid iyo nidaamka cadaaladda oo aan inta badan la marsiin kuwa gaysta falalk foosha xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here