Dalkayga Ma Gaalo Ayaa Maamusha Mise Madaxda Aan Doorto?

0
798

Sababta Ay Dhalinta Soomaliland Qurbaha Ujecladeen Oo Wiilka U Dhashay Dalka Uu Ka Jecelyahay Meeshii Uu Ku Dhashay Dhul Gaalo Oo Anu Waligii Arag, Waxaa Weeye Seeskii Waxbarasho Ayaa Toos Looga Marin Habaabiyay,

Dhamaan Dugsiyada Hoose Iyo Kuwa Sareba Dhamaantood Waxaa Caruurta Loogu Dhigaa Taariikhdi Maraykan Iyo Tii Jarmal ,Waxaa Loogu Dhigaa Gumaystihii Awoowgii Gumaystay Siduu Usilcin Jiray ,Waxaa Loogu Dhigaa Daaraha Dhaadheer Ee Ingiriiska Iyo Kuwa Maraykan In Ay Ka Qurux Badan Yihiin Dhamaan Kuwa Aduunka Oodhan,

Wiilka Yar Ee Lagu Ababiyay Taariikhda Balad Shisheeye Iyo Gumaysiguu Gumaystay Awoowayashii Maxaa Udiidaya Inuu Yidhaahdo Waxaan U Tahriibayaa Dhulkii Yaraantaydi Lay Sheegay Inay Yihiin Janada Dunida Ee Iskuulada Laygu Dhigay .

Dalkaygu Miyaanu Taariikh Lahayn Away Taariikhdiisi Away Taariikhdii Soomaliyed Iyo Geesiyaashii Gumaystuhu Ka Kaban Wayay ,Away Taariikhdii Islaamka Iyo Rauuslkena Suuban SCW ,Maxaaa Loogu Dhigi Wayay Islaamku Jabkii Uu Ugaystay Gaalada Ilaa Iyo Goortay Dagaalami Jireen .Maxaa Naloogu Dhigi Wayay Sababta Ay Awoowayasheen Ugu Dagalameen Xornimada ,

Dhanka Kale Waxaa Naloo Dhigaa Guulaystayaashi Dhaqaale Ee Aduunku Gidi Waxay Ahaayeen Yuhuud Iyo Maraykan Ganacsatadii Iyo Ikhtiraacayashii Oo Dhami Waxay Ahayen Yuhuud Iyo Maraykan

Miyaanay Ogayn In Islaamku Yahay Ikhiraacahii Ugu Horeeyay Ee Hindisa Waxkasta Oo Aynu Horumar U Aragno .

Maanta In Aynu Gacmaha Gaalo Hoos Dhigano Oo Aynu Adoomo Ku Noqono Dhulkooda Waxaa Ugu Wacan Madaxdeena Inoo Keentay Manhajka Ay Gaalo Usoo Daabacday Ee An Hal Eray Oo Run Ahi Ku Jirin. Waxaa Kala Daadsanantena Kamasuul Ah Macalimiinta Iyo Maamulayasha Gushaba U Haysta In Nalaga Dhaadhiciyo Yuhud Iyo Beentooda ,

Talo Soo Jeedin

Walaalayaal Waxaynu Nahay Dad Uuman Oo Nool Oo Jirta Dunida Ku Nool Ee Ma Is Dabaqabatayna, Way Tagayaan Waayeelkan Ina Khasbay Ee Halkaa Ina Dhigay Ee Cadwga Inoo Jabiyay Ee Inagu Ababiyay In Aynaan Gaalo La,aantod Noolan Karin. Waxaan Soo Jeedin Lahaa

1: In Gabi Ahaanba La Joojiyo Lana Gubo Dhamaan Manhajka Maanta Ardayda Lagu Marin Habaabinayo Ee Jaahilka Inaga Dhigay Yar Iyo Waynba .

2: In Lasameeyo Manhaj Ukhaas Ah Dalkeena Oo Ka Waramaya Guulihii Soomali Iyo Taariikhdii Soomaliyeed.

3: In Luuqadeena Maahe Ta Labaad Laga Dhigo Carabi Oo Tii Diinteena Suuban Ay Kusoo Dagtay Ah Oo Caruurtena Iyo Ubaxa Dalkeena Laga Dhaadhiciyo Luuqadooda Labaad Inay Tahay Taas .

4: In Taariikh Ahaan Laga Dhigo Gabi Ahaanba Taariikhdii Islaamka Iyo Jabkii Gaalada, In Lagu Soo Daro Ilbaxnimo Heerka Uu Ka Gaadhay Islaamku.

W/Q.Shaybe Cumar Cismaan

Wabilaahi Tawfiiq

 

Weriyeshaybe@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here