Roob weyn oo dabaylo wata oo khasaare gaystay ayaa ka da’ay magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd.

0
470

Maayarka Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac ayaa u sheegay weriye Maxamed Jiciir in roobku khasaare u gaystay qiyaastii 40 guri oo magaalada ku yaala oo ay dabayshu jiingadii ka qaaday, kuwaas oo ay ku jiraan xafiisyada dawladda qaarkood sida xafiisyada badhasaabka, kastamaka maaliyadda iyo xarunta dawladda hoose ee Baligubadle.

Maamulka gobalka ayaa sheegay inay qiimayn ku wadaan khasaaraha aan weli soo bixin ee ay suurtogalka tahay inuu roobku gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here