Maxaa sababay in Iiraan mar kale uu ku soo laba kacleeyo fayraska karona ?

0
374

Dalka Iraan todobaadyadii la soo dhaafay waxaa sare u kacayay tirada kiisaska fayraska karona taasi oo abuurtay cabsi ah in dalku uu mar kale wajihi karo mowjad labaad oo ah Covid-19.

Iiraan ayaa bartamihii bishii Abril bilowday in ay dabciso xayaaridihii saarnaa kadib markii hoos u dhac laga dareemay dadka cudurka qaadaya.

Sidee sare ugu kaceen kiisaska cudurka ee dalka Iiraan?

Kiisaska cusub ee cudurka ayaa celcelis ahaan gaarayay in ka badan 3,000 maalintii todobaadkii ugu horeyay ee bishaan juun, taasi oo ka dhigan in 50% ay sare u kacday asbuucii ka horeyay.

Tirada ayaa ka sara martay 3,574, khamiistii oo ku beegneed 4-ta bishaan Juun, ka hor inta aaney hoos u soo dhicin.

Sodonkii bishii Maarso ayaa tiradii ugu badneyd waxaa ay gaartay 3,186, intii lagu guda jiray bilowga cudurka, iyadoo xiligaas ay Iiraan ka mid noqotay dlalka uu aadka fayrasku u saameyay marka laga soo tago dalka Shiinaha oo ah halkii uu ka soo bilowday .

Waqtigaas, mas’uuliyiinta dalka Iiraan waxaa lagu dhalleeceeyay sida ay uga gaabiyeen xiritaanka masaajidda iyo goobaha muhiimka ah ee diinta ee magaalada Qom iyo in aan si dhaqso ah loogu dhaqaaqin xakameynta cudurka.

Kadib, bishii Abriil, markii tirada kiisaska cusubi ay hoos uga dhacday 1,000,ayaa Iiraan waxay bilowday inay fududeyso xayiraadihii ay horey u soo rogtay.

  • 20-kii bishii Abril: suuqyada ayaa dib loo furay sidoo kale waxaa dib u bilowday safaradii gobalada dalkaas.
  • 22- bishii Abril: waxaa dib loo furay goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan goobaha madadaalada
  • 12 – bishii May: dowladdu waxaa ay sheegtay in dhamaan masaajidda dib loo furi karo
  • 25 – bishii May: wax dib loo furay xaruumaha diinta ee ay leeyihiin Shiicada dalka Iiraan
  • 26 -bishii May:Maqaayadaha xaruumaha dhaqank iyo goobaha taariikhigaa ayaa dib loo furay

Gaadiidka iyo xafiisyada bangiyada guudahaan dalka Iiraan ayaa si caadi ah u shaqeynayay .

Markii hore faafidda cudurka waxaa ay ka jirtay magaalada Qom iyo caasimada Tehraan.

Balse hadda, waxaa la soo sheegayaa in koonfur galbeed ee dalkasi, gaar ahaanna gobolka Khuzestan, oo ah gobol saliida qani ku ah isla markaana xad la wadaaga Ciraaq uu cudurku ku badanyahay .

Maxey tahay sababta ay u kordhayso tirada kiisaska cudurka ee Iiraan ?

Waxaa si cad u muuqata in kala fogaansho la’aanta bulshada iyo dabcinta xayiraadaha ay qayb ka qaateen faafitaanka Covid-19, balse saraakiisha ayaa qaba in mar walba oo sare loo qaado baaritaannada dadka iyo tijaabooyinka ay tirada dadka laga helayo cudurka badan karto.

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in arrintaa ay ka dhigantahay in mar walba oo la sameeyo baaritaanno badan la helayo kiisas badan.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani

Maxamed Mehdi oo ah madaxa ugu sareeya cudurada faafa ee Iiraan lana shaqeeya wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, ayaa sheegay in ay jiraan dad qaba cudurka balse aan laga helin calaamadaha xanuunka lagu garto.

“Sababta ugu weyn ee tirada u sii kordheyso ayaa ah inaan bilownay aqoonsashada dadka cudurka qaba ee aan lahayn astaamaha khafiifka ah.”

29-kii bishii May, in ka hooseeya 11% oo laga qaaday baaritaanno ayaa laga helay cudurka balse 6-dii Juun tiradaasi kor ayay u kacday oo waxaa ay gaartay 14%.

Saraakiisha caafimaadku waxaa kaloo ay tilmaameen in tirada dhimashada maalinlaha ah ee la diwaangeliyay iay ka hooseyso 100 ilaa bartamihii bishii Abriil.

Balse waxaa jira warar sheegayay in bishii Abriil tirada rasmiga ah ee dadka u dhintay cudurka ay ka badan karto inta la ogyahay ee ku kooban Isbitaalada.

Bulshada iyo kala fogaanshiyaha

Wasiirka caafimaadka ee dalka Iiraan Saciid Namaaki ayaa sheegay in dadku ay iska indho tireen sharciyada kala fogaanshiyaha bulshada.

“Dadku waxaa ay gabi ahaanba aaney ka taxadareyn cudurka,” ayuu yri mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Iiraan.

“Haddii dadkeennu ku guuldaraystaan ixtiraamka talaabooyinka caafimaadka … waa inaan isu diyaarinnaa xaaladdii ugu xumayd” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Iiraan.

Saraakiisha ayaa walaac ka muujinaya in dadku aaney raaceynin talaabooyinka muhiimka ah

Xulashooyin caynkee ah ayay haystaan mas’uuliyiintu?

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa ka digay xayiraad laga yaabo in dib loo saaro dalka haddii cudurku uu ka sii daro.

Balse hoggaanka caasimadda Tehraan ma doonayo in uu ka hadlo cabsida laga qabo in mar kale cudurka safmarka ah uu ku dhufan karo dalka,inkastoo xitaa saraakiisha qaybaha kale ee Iiraan ay iyaguna qabaan walaaca la xiriira mowjad labaad oo ah Covid-19.

Dalka Iiraan ma awoodo in uu sii wado xayiraadaha sababtuna waxaa ay tahay dalka oo wajahaya caqabado ay ka mid yihiin cunna qabateynta dhaqaale ee Mareykanka musuq maasuq iyo maamul xumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here