Waayaha Cusub maxay ka dheheen heestooda dislike-ta lagu badiyay?

0
511

Fannaaniinta Waayaha Cusub ayaa ka hadlay hees ay Khamiistii soo galiyeen barta Youtube-ka, taasoo in ka badan 60,000 oo dislike la saaray.

Erayada heestaas oo ay fannaaniintii ku luuqeynayay ka mid tahay Falis Cabti ayaa u muuqda kuwo lagu dhaliilayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa tan iyo shalay baraha bulshada ee Soomaalida qabsaday hadal-heynta heestan oo dadku ay siyaabo kala duwan uga hadlayeen.

Fannaanka Shiine Cabdullahi Cali (Akhyaar), oo wareysi siiyay BBC-da ayaa faahfaahiyay ujeeddada ay heestaan usoo saareen.

“Heesta waxaa sameeyay Waahaya Cusub, oo hadafkoodu ahaa wacyi galinta Ummadda Soomaaliyeed. Ujeeddada aan u sameynayna waa inaan Shacabka Soomaalida ah xilligan xasaasiga ah ee kala guurka lagu jiro ugu iftiiminno xaqiiqooyin badan oo jira iyo waxyaabo looga dhigayo dowladnimo, waana sababta keentay saameynta intaas la eg,” ayuu yiri.

Wuxuu Shiine sheegay in heestooda “ay dadka aad usoo dhaweeyeen, ayna ka fal celiyeen in ka badan 30,000 ilaa 40,000 oo ka hadlay”.

Falis Cabdi ayaa ku luuqeysay inta badan erayada heesta

Shiine ayaa sheegay in ay qariyeen qeybta laga arko like-ga iyo dislike-ga ee muuqaalkaas, isagoo sharraxaya sababtana wuxuu yiri: “Sababta aan u xirnay like-ga iyo dislike-ga waxay ahayd inaan sida ay dadka ugu marin habaabinayaan, inay guul ka dhiganayaan oo ay muujinayaan in Waayaha Cusub ay shacabka Soomaaliyeed disle gareeyeen.”

Wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay lacag ku bixisay sidii dislike badan loo saari lahaa muuqaalka heesta ay soo galiyeen Waahaya Cusub.

“Saacadihii ugu horreeyay si fiican ayaan ula soconnay, laakiin waxaan ognahay in 50,000 oo doolar ama 40,000 oo doolar ku dhawaad loo adeegsaday in lala dagaallamo xorriyatul qowlka, oo lagu soo iibsaday dslike sidoo kalena abaabul laga sameeyo baraha bulshada,” ayuu yiri.

Hase yeeshee, BBC-da wax caddeyn ah uma heysto in dislike la iibsaday.

Dowladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan arrintan jawaab uga helno xaggeeda ayaa ka gaabsato inay ka hadasho mowduucan.

Dadka fal celinayay badankood oo heesta dhaleeceynayay

Inkastoo Shiine uu ku dooday in lacag lagu bixiyay dislike, haddana waxaa jiray in ka badan 34,000 oo qoraallo faallo ahaan looga bixiyay heesta.

Dadka qoraallada reebayay badankood waxay dhaliilayeen heesta, iyagoo taageero u muujinayay dowladda, walow kuwo kale oo kooban ay garab istaagayeen kooxda Waahaya Cusub.

Shiine Akhyaar oo aan weydiinnay su’aal ku saabsan faallooyinka qoraalka ah ayaa yiri: “Dadka aad leedahay youtube-ka ayey qoraal ka sameeyeen, aragtidooda waan soo dhaweyneynaa, laakiin waxaa xaqiiq ah in dad badan lacag lagu siiyay inay ol’ole ka sameeyaan baraha bulshada.”

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhammeystira.

Hees kale oo maanta lasoo galiyay barta Youtube-ka, oo uu ku luuqeeyay fannaanka Dalmar Yare ayaa laga dheehanayaa erayo lagu taageerayo xukuumadda federaalka, dad badan ayaana u fasirtay inay jawaab u tahay heestii soo baxday shalay.

Ilaa hadda in ka badan 23,000 oo like ayaa la saaray heestan oo sida muuqata ay daawadeen dad kor u dhaafaya 170,000, waxaana dislike la saaray 1,200 oo jeer.

Hees maanta lasoo galiyay Youtube (oo uu ku luuqeynayo Dalmar Yare) ayey dad badan u arkaan inay jawaab u tahay heestii shalay

Dadka ka falcelinayay heesta Dalmar Yare qaarkood ayaa qorayay faallooyin ay ku muujinayaan taageerada dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Soomaalida isticmaala baraha bulshada, ama fikradahooda kusoo bandhiga ayaa aad u sii badanayay muddooyinkii dambe, iyadoo aad mooddo inay wax kasta uga fal celiyaan dhinaca barahaas, sida Facebook, Youtube, Twitter iyo Tiktok.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here