Feyraska corona oo markale kusoo laba kacleeyay Mareykanka

0
273

Sarkaalka Dowladda Mareykanka ugu sareeya dhanka cudurada faafa, Dr Anthony Fauci ayaa sharci dajiyeyaasha dalkaas u sheegy in dalka Mareykanka uu haatan markale wajahayo “sare u kac horleh” oo la xiriira feyraska corona, kaas oo laga soo sheegayo qaar kamid ah gobolada Mareykanka.

Khubarro caafimmaad oo uu kamid yahay Dr Anthony Fauci, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay noqon doonaan maalma adag oo ay tahay in wax laga qabto faafidda cusub ee xanuunka.

Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa lagu soo warramayaa in markale ay sare u kaceen tirada kiisaska corona.

Khubarradan caafimmaad ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan Madaxweynaha Mareykanka kala hadlin in uu yareeyo tirada dadka laga baarayo xanuunka.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii madaweyne Trump uu meel fagaara ah ka sheegay in saraakiisha caafimmaadka uu ku amray in aysan baaritaano badan sameynin, si hoos loogu dhigo tirada dadka uu xanuunka ku dhacayo ee maalin walba lasoo sheegayo.

“Inta aan ka warqabo, midkeenna looma sheegin in aan hoos u dhigno tirada baaritaanada,” ayuu yiri Dr Fauci, oo ah agaasimaha machadka xanuunka faafa ee Mareykanka oo ka hor hadlayay guddi loo saaray ka sal gaaridda qaabka Dowladda Mareykanka ay uga jawaabtay xanuunka corona.

“Dhab ahaantii waa aynu sii kordhin doonaa baaritaanada la xiriira feyraska” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Getty Images

Saraakiisha kale ee ka qeybgalay kullankaas ee katirsan xarunta kahortagga cudurada faafa ayaa sidoo kale ku gacan seyray hadalkii Trump, iyagoona sheegay in marnaba aanan lagu amrin in ay hoos u dhigaan baaritaanada feyraska corona.

Brett Giroir, oo ah ku xigeenka xoghayaha wasaaradda caafimmaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay xanuunka ka baaraan 40 iyo 50 milyan oo qof bishii ba.

Muxuu Trump ka yiri?

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha ee ku saabsanaa hoos u dhigidda ay ahayd “mid kaftan ah”.

Ku dhawaad 2.3 milyan oo Mareykan ah ayuu ku dhacay xanuunka, halka 120 kun oo qofna ay u dhinteen. Waa dalka ugu badan dunida ee dhanka dhimashada feyraska corona.

Donald Trump ayaa taageerayaashiisa Arizona u sheegay in uu “hoos u dhacay” dadka uu ku dhacayo xanuunka corona. Arizona oo uu madaxweynaha booqday ayaa isla maalintaas waxaa laga soo warriyay tiradii ugu badneyd ee uu ku dhaco xanuunka.

Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in sideetan boqolkiiba sariiraha isbitaalada haatan la buux dhaafiyay, toddobaadyada soo socdana laga yaabo in aanay xamili karin xaaladda.

Dr Fauci ayaa sidoo kale sheegay in dhammaadka sanadkan ay rajeynayaan in uu diyaar noqdo tallaalka feyraska corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here