Deg Deg: Maandooriyaha Tubakada Oo Hargaysa Si Bilaasha Loogu Qaybinayo Si Dadku Ubartaan Isticmaalkeeda

0
364

Waxaa Sidan Qoray Weriye Maxamed Joker Oo Ka Hawl Gala Caasimada Hargaysa .

Subaxnimadii khamiista taariikhdu markii ay ahayd 25.06.2020 ayaan khayryadda Magaalada Hargaysa kula kulamay wiil dhalinyaro ah oo baalashle ah ama (kaba caseeye)

Aniga oo damacsan in aan ka baalashaysto kabaha ayaan dhincisii ku arkay dhawr xidhmo oo tubaakadan sawirkeedu idiin muuqdo, markii aan su,aal maxay tahay? wuxuu iigu jawaabay “waa tubaako bilaash ah, dadka ayaa loo qaybinayey aniga waa lay siiyey”

Waxaan su,aalay yaa qaybinayey? Wuxuu iigu jawaabay “Niman sitay tubaako badan ayaa dadka uqaybinayey si ay u isticmaalaan”

Tubaakadan ayaa dhawaan lasoo geliyey Somaliland, waxaana kasoo horjeestay culimada iyo Xisbiyada mucaaridka,

Balse hadda waxa usii dheer in bulshada si bilaasha loogu qaybiyo si Loo baro isticmaalkeeda!

MaxamedJokar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here