Guddoonka barlamaanka Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray mid kamid ah maamul goboleedyada.

0
356

mid kamid ah maamul goboleedyada. Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in kamid ah maamul goboleedka Soomaaliya uu ku hanjabo haddii aan la joojin fadhiyada barlamaanka in aysan kasoo qeyb galidoonin shirka iskaashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacaya Julay.

“Mid kamid ah state-yada ayaa soo qoray hadii madaxweyne Farmaajo uu joojin waayo fadhiyada barlamaanka in aysan shirka imaandoonin, bal luuqadaas hala fasiro,” ayuu yidhi guddoomiyaha barlamaanka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay barlamaanku inuu haysto shaqadiisa dastuuriga ah islamarkaana uusaan jirin awood madaxweyne Farmaajo ku joojin karo ama uu wax kaga bedeli karo fadhiyada guud ee golaha shacabka.

Hadalka guddoomiyaha barlamaanka ayaa kusoo aadaya, kadib markii dhawaan dowlad goboleedyada Puntland uu sheegay in uusan aqoonsanaandoonin sharciyada uu meel mariyay iyo kuwa hadda horyaala barlamaanka Soomaaliya. 

Xigasho/Hiiran Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here