Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Sheegtay Inaanu Ingiriisku Raali Ka Ahayn Midnimadii Ay Somaliland Lixdankii La Gashay Soomaaliya

0
330

Magaalada London ee Caasimadda boqortooyada Ingiriiska waxa lagu qabtay Munaasibad loogu dabbaal-degay Xuska lixdan Guurada Xornimada Somaliland, taasi oo Somaliland iyo guud ahaan Dalalka Dunida ee Shacabka Somaliland ku nool laga xusay Jimcihii la soo dhaafay.

Xafladda London oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Somaliland ku leedahay Magaalada London, ayaa waxa Dadka ka qayb-galay ka mid ah Haweenay Magaceedu yahay Borus A. Nichols oo ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Ingiriiska.

Borus A. Nichols oo Xafladda hadal ka jeedisay ayaa ugu horrayn Shacabka reer Somaliland ku hambalyeysay Xuska 60 guurada ka soo wareegtay xilligii Ingiriisku Siiyey Xornimada Shacabka reer Somaliland.

Xildhibaannada oo hadalkeeda sii wadataa waxay sheegtay in xilligii uu Ingiriisku siinayey Somaliland xornimadeeda uu kula taliyey in aanay Xornimada iyo Gobanimada ay qaateen aanay cidna kula midoobin, balse Somaliland ay sannadkii 1991-kii ay xornimadeedii luntay dib ula soo noqotay.

Xildhibaan Borus A. Nichols waxay sheegtay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan lahaa Dal, iyadoo sidoo kalena ku hambalyeysay Somaliland, nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay iyo Dawladnimadeeda “Lixdan sanadood ka hor ayay ahayd markii Somaliland xornimadeeda ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, Somaliland wakhtigaa waxa Aqoonsaday 35 Dawladood oo ay ka mid yihiin 5-ta Dawladood ee joogtada ku ah Golaha ammaanka, 5 Maalmood ka dib, Somaliland waxay la midowday Soomaaliya, wallow haddii aanu nahay Ingiriiska aanaan xilligaa jeclayn inay go’aankaa qaataan (midnimada)..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here