Daawo:(Sawiro)Dawlada Somaliland Iyo Dalka Taiwan Oo Qalinka Ku Duugay Xidhiidh Cusub Oo U Bilaama Labada Wadan

0
389
Dawlada Somaliland Iyo Dalka Taiwan Oo Qalinka Ku Duugay Xidhiidh Cusub Oo U Bilaama Labada Wadan

Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo ku saabsan xidhiidhka u bilaabmay labadan dal ee aan haysan aqoonsi caalami ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo dhawaan booqday dalka Taiwan iyo dhigiisa ayaa heshiiska kala saxeexday.

Taiwan ayaa sheegtay in ay xafiis ka furan doonto Somaliland oo ay ku tilmaantay in uu yahay dal madax-bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa qoraal ay faafisay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan jacayl qoto-dheer oo xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah

Image may contain: 3 people, people standing, suit and indoor

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here