“Sababta aan ugu maleeyay in canugeyga uu lahaa indho sheyddaan”

0
7287

Catherine Cho waxay la kulantay dhibaato weyn oo xitaa welwel iyo la yaab ku reebtay qoyskeeda gaar ahaan markii ay dhaleysay wiilkeeda Kato, Waxay markaas ku sugnaayeen Mareykanka, Catherine Cho iyo seygeeda James waxay ahaayeen kuwo welwelsan markii ay la safreen canugooda oo 2 bilood dhallanaa.

Catherine waxay ka shakeysay waxyaabihii la yaabka ahaa ee iyadu u muuqday kuwaas oo xannuun ku reebay , arrintaas oo aysan waxbo kala socon qoyskeeda balse seygeedana jahwareer ku reebay.

Gabadhan waxaa u muuqday in ay ku dhex go’doonsaneyd dab holcaya xilli kaligeed ay u muuqdeen dhacdooyin naxdin badan ku reebay, waxay arki jirtay waxyaabo welwel u horseeda oo aysan dadku arkin.

“Waxaan u maleynayay in hoteel dhexdiisa na lagu afduubtay, dab ayaan arkayay… waxaa ii muuqday in seygeeda iyo canugeyga ay dhinteen”.

“Waxaa ii muuqday in canugeyga Kato oo dhintay xilli aabihiisa uu gacanta ku hayay. dhabtii Kato wuu noolaa ma uusan dhiman, waa waxa aniga ii muuqday,” ayay tiri Catherine.

Catherine Cho

Waxay sidoo kale ka sheekeysay dhacdooyinkii naadirka ahaa ee ka dhex guuxayay maankeeda, xitaa mararka qaar waxay sheegtay in waxyaabo naxdin leh ay daba guurayeen taas oo markii ay ku wargelisa qoyskeeda aysan inaba arkeyn.

Maskax ahaan iyo caafimaad ahaan way saameyeen arrimahaas, fajac iyo murugo ayaana nolosheeda ku habsaday markii ay dhashay canugeeda Kato, sida ay sheegeyso gabadhan.

Xilli subax ah, kaddib markii Catherine aysan wax hurddo ah qaban muddo habeeno ah, waxaa la fadhiistay seygeeda James oo kala sheekeystay sida ay tahay xaaladdeeda caafimaad.

Wuxuu weydiiyay: “Waxaan ogahay in aad dhawaan canugan dhashay, waxaa ku qabaa dhibaato, marka weligaa ma kuugu dhacay xannuunka dhimirka ee ku dhaca dumarka qaar marka ay umulaan?”

“Haa” ayay ku tiri.

“Waa xannuun caadi ah, waxaan filayaa in uu kugu dhacay welwel iyo isku buuq, waxaan arkay in markasta aad walbahaarsan tahay, wax hurrdo ahna kuma qabato – waxaad ku sugan tahay xaalad halis ah, waa in aad ka fakartaa sidii aad isku daryeeli laheyd,” ayuu ku yiri seygeeda James.

Catherine subixii dambe waxay la kulantay wax u muuqday “Canugeeda oo leh indho sheeydaan ah!”.

“Waxaan u maleeyay in canugeyga uu leeyahay wax u eg indho sheyddaan, indhihiisu waxay ahaayeen kuwo casaan ah”.

Waxay sheegtay in arrintaas ay ka naxday isla markaana ay seygeeda u sheegtay in guriga ay isaga guuraan maadama ay argagaxday.

Waxay sidoo kale sheegtay in mararka qaar ay maqli jirtay qeylo iyo cod ku dhawaaqayo in canugaaga la doonayo in uu dhinto.

“Waa in canugaaga uu dhintaa… waana waxa iga argagixiyay. Waxaan ku iri ‘Fadhlan ha dilina’.”

Catherine waxaa markii dambe la ogaaday inay qabtay xannuunka dhimirka ee ku dhaca dumarka qaar marka ay umulaan.

Waxay sheegtay in xannuunkan laga daweeyay. “Waxaa la i geeyay qeybta dadka qaba xannuunka dhimirka. Waxaana lala socday xaaladdeyda caafimaad”.

Catherine waxay hadda qortay buug xusuus qor ay ugu magac dartay ‘Dabkii faraha ka baxay’ waxay buuggan kaga sheekeyneysaa dhacdooyinkii xannuunka badnaa ee nolosha harreeyay iyo sida xiskeeda uu dib ugu soo laabtay sidii caadigii aheyd, iyo casharradii ay ka baratay xannuunkaas. Dib ayay u eegtay wiilkeeda oo in muddo ah aysan dan ka lahaan jirin daryeelkiisa.

Catherine waxay ku nooshahay magaalada London, waxayna ku dhalatay Mareykanka, xanuunkii hayayna way ka caafimaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here