Dood sharci: Ma Golaha Wakiillada Ayaan Aqoon U Lahayn Shuruucda Ay Ansixiyaan, Mise Guddida Diwaangelinta Ayaa dar-jiidhay??

0
375

Guddida Diwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka, ayaa jawaab ka bixiyey qoraal Guddidooda lagu socodsiiyey oo ay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilladdu kaga codsadeen in Guddoomiyaha xisbiga UCID laga qaado xasaannadda, si loogu soo oogo dacwad la xidhiidha eedaymo ay Golaha wakiillada iyo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ku soo oogeen Faysal Cali-waraabe.
Hasayeeshee, Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka oo soo saaray qoraal jawaab-celin ah, ayaa caddeeyey in aanay Dastuurka iyo xeerarka dalka ku haynin wax xasaannad ah oo ay leeyihiin madaxda xisbiyada qaranku, sidaa darteedna waxay iftiimiyeen in aannu Guddoomiye Faysal Cali-warabe lahayn wax xasaanad ah oo ay waajibtahay in laga qaado.

Haddaba, su’aaahu waxay tahay ma mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaan aqoon u lahayn shuruucda ay ansixiyaan, maadaama ay codsadeen in Guddoomiyaha UCID laga qaado xasaannada, ayna aaminsan yihiin inuu xasaanad leeyahay? Mise Guddida Diwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa qardo-jeexay oo waxa jira ay ogyihiin Golaha wakiilladu oo xasaanad siiyey madaxda axsaabta qaranka?
Su’aashan iyo mawduucani kolayba fasiraad sharci ayuu u baahan yahay, cidda aynu hubinta arrintan u daba fadhiisanayno waa bahda sharci-yaqaannada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here