Madaxweyne Biixi Oo La Filaayo Inuu Magacaabo Wasiiro Saamayn Leh,Iyo Masuuliyiin Gacanyare U Ahaa Madaxweynaha Oo Wadnaha Farta Ku Haya

0
310

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Garwaaqsaday Inuu Isbedel Xoogan Ku Sameeyo Golahiisa Wasiirada,Ilo-wareedo Madax-banaan Ayaa Sheegaya In Madaxweynaha Somaliland Todobaadkani Cugan Doono,Wasiiro Cusub Wasiir Ku Xigeeno Iyo Agaasimayaal Kuwaas Oo Hore Xukuumada Uga Mid Ahayn.
Sidoo Kale Madaxweyne Biixi Ayaa La Sheegay In Wasiiro Awood Badan Kulahaa Xukuumadiisa Uu U Bedeli Doono Wasaarado Kale Oo Ka Ag-dhow
Wasiirada La Filaayo Inay Qaadato Isku Shaan-dhaynta Waxaa Kamida.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Somaliland,
Wasiirka Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta Somalilad
Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland
Wasiirka Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Madax-tooyada Somaliland
Madaxweynaha Somaliland Oo Siyaasiyiinta Mucaaradka Ahi Ku Eedayn Jireen Inuu Sameeyo Degreetooyin Weyd Ah,Ayaa Todobaadada Soo Socda La Filaya Inay Noqoto Isku Shaandhayntii Iyo Magacaabistii Ugu Tunka Weynayd Ee Uu Sameeyo Tan Iyo Mudadii Uu Xukuumadiisa Soo Dhisay,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here