Waa Kuma Wasiirka Ugu Fir-fircoon Xukuumada Hada Jirta?,Muxuuse Qabtay Mudaduu Xilka Hayey.

0
306
Wasaarada Arimaha Debeda Somaliland Ayaa Wakhtiyadii Ugu Danbeeyey Samaysay Xidhiidhyo Caalamiya,Kuwaas Oo Siweyn USoo Jiitay Indhaha Beesha Caalamka
 
Wasiirka Wasaarada Arimaha Debeda Somaliland Prof Faratoon Ayaa Safaro Aan La Shaacin Ku Tagay Wadamo Badan Kuwaas Oo Aan Hore Dawlada Somaliland Wax Xidhiidha ULa lahayan,Wasiir Faratoon Ayaa Wadamadaasi U Sharaxay Madax-banaanida Iyo Qadiyada Somaliland,taas Oo Sababatay Inay Waamo Badan Heshiisyo Dublumaasiyadeed La Saxeexdan Dawlada Somaliland,
 
 
Wadamada Wasiir Faratoon Soo Xero Geliyey Waxaa Kamida,
 
Gini.DjiboutiGambia .Kenya.Congo ,Turkey,Taiwan ,Eritrea Sidoo Kale Waxaa Lasii Xoojiyey Xidhiidhka Soo Jireenka Ah Ee U Dhexeeya Dalaka,Itobiya Iyo Imaaradka Carabta
 
Shacabka Somaliland Ayaa Siweyn Usoo Dhaweeyey Dar-dar Gelinta Iyo Dedaalka Xoogan Ee Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Ku Talaabsaday Wakhtiyadii U Danbeeyey,Waxaana Muuqatay Inuu Yahay Wasiirka Ugu Firifircoon,Xukuumada Hada Talada Dalka Haysa
 
Dawlada Somaliya Ayaa Dhankeeda U Tafo-xaydatay Sidii Ay U Mijo Xaabin Lahayd,Heshiisyada Dhanka Dublumaasiyada Ah Ee Somaliland La Gelayso Wadamada U Hanqal Taagaya Aqoonsiga Somaliland,Balse Xidhiidhka Iyo Dublu-maasiyada Prof Faratoon Ayaa U Muuqata Midaan Ku Dhisnayn Dhalanteed Isla Markaana Xaqiiqada Ka Turjumaysa,Waxaanu Indhaha Beesha Caalamka Kusoo Jeediyey Jamhuuriyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here