Midowga Yurub oo u hanjabay Mareykanka

0
312

Midowga Yurub ayaa sheegay inay “si adag uga jawaabi doonaan” haddii Mareykanka uu ka dhabeeyo hanjabaadii uu u jeediyay Yurub ee ahayd in uu canshuur dheeraad ah kusoo rogi doona badeecadaha ay u iib-geeyaan Mareykanka.

Waa xurguftii ugu dambeysay ee dhanka ganacsiga ee u dhaxeysa Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub, kaas oo salka ku haya ganacsiga labada dhinac iyo culeysyada soo food-saaray.

Inkabadan 10 sano, Mareykanka iyo Yurub ayaa isku eedeynayay in midba midka kale uu saaray canshuur dheeraad ah.

Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa ku hanjabay in badeecadaha Yurub laga keeno ee dalkiisa la geeyo sida khamriga uu canshuur dheeraad ah saari doonaa, go’aankaas oo ka careysiiyay dalalka Yurub.

Haseyeeshee hanjabadaas waxaa ka hadlay madaxa midowga Yurub u qaabilsan arrimaha ganacsiga, Phil Hogan oo sheegay in xukuumadda Washington ay ku gacan seyrtay dedaal la doonayay in xal looga gaaro ismarinwaaga u dhaxeeya labada djhinac.

“Waxaan rabaa in aan dadka u xaqiijiyo in aan diyaar u nahay in aan si adag uga jawaabno haddii Mareykanka wixii aan fileynay aan ka weyno, taas oo la xiriirta muranka 15 sano ee lasoo dhaafay soo jiitamayay,” ayuu yiri Hogan oo la hadlayay guddiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan arrimaha ganacsiga.

Hey’adda ganacsiga adduunka ee WTO ayaa horay sharci darro ugu tilmaamtay lacago uu Mareykanka dul saaray shirkadda diyaaradaha sameysa ee Yurub.

.

Sida ay qabto hey’adda ganacsiga adduunka, Mareykanka waxaa uu sanadkii lasoo dhaafay canshuur dhan 15-25 boqokiiba uu dul saaray badeecadaha dalalka Yurub ay u dhoofiyaan Mareykanka.

Balse xaaladda waxaa ay sii xumaatay markii Mareykanka uu bishii June sheegay in uu ka fikirayo in markale canshuur dheeraad ah kusoo rogo badecadaha Yurub ee la geeyo dalkaas oo gaareysa 3.1 bilyan oo doollar, arrintaas oo Brussels ay sheegtay inay tahay mid xad-dhaaf ah.

Isniintii lasoo dhaafay, Mr Hogan waxaa uu dhaleceeyay baritaano dhanka amniga oo Mareykanka uu sheegay in uu ku sameyn doonaa badecdaha Yurub, wuxuuna bidhaamiyay in laga yaabo in tallaabo taas lamid ah ay qaadaan.

Baaritaanka loo yaqaano 232 ayaa ah mid dhawaan ay soo rogtay dowladda Mareykanka.

“Ma ahan mid sax ah baaritaanka dhawaan lasoo rogay, waana mid siyaasadeysan oo ay dhab tahay,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Hogan.

Tallaabada uu qaadayo Mareykanka ayuu sheegay in ay tahay mid aan la aqbali karin, wuxuuna intaa ku daray in haddii baaritaanadaas ay sii socdaan, dalalka EU ay is-garab istaagi doonaan, jawaab isku mid ahna ay ka bixin doonaan.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale ku hanjabay in uu canshuur kusoo rogi doonaa baabuurta Yurub lagu farsameeyo ee la geeyo Mareykanka, gaar ahaan kuwa dalka Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here