Walaac horleh oo kasoo kordhay feyraska corona

0
308

Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa markii ugu horeysay qirtay inay jiraan caddeymo isa soo taraya oo muujinaya in feyraska corona uu ku faafi karo hawada.

Saraakiisha hey’addan ayaa intaa ku daray in haddii arrintaas la xaqiijiyo ay noqoneyso in wax laga badelo tallooyinka caafimaad ee haatan lagu dhaqmo.

Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii inkabadan 200 oo seynisyahano ay WHO ku eedeeyeen inay iska indha-tireyso suurtagalnimada ah in xanuunka la isku qaadsiin karo hawada.

Hey’adda ayaa ilaa iyo hadda xaqiijisay in qaabka keliya ee dadku isku qaadsiin karaan xanuunkan ay tahay in qof qaba cudurka uu qufaco ama hindishooda, taas oo keeni karta in waxyaabaha kasoo baxa ay gudaha u galaan dadka kale.

“Waxaanu dooneynay in ay qiraan caddeymaha,”ayuu yiri Jose Jimenez, oo ah dhakhtar ku takhasusay dawooyinka, kana tirsan jaamacadda Colorado, kana mid ahaa dadkii wax ka saxiixay baaqii loo jeediyay WHO.

Waxaa kale oo uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in waxa ay soo jeedinayaan ay tahay oo keliya dood cilmi ku dhisan.

“Tani ma ahan weerarka aan ku nahay hey’adda caafimmaadka ee WHO, waa dood cilmi ku dhisan, waxaana is-tusnay in aan dadweynaha la wadaagno, maxaa yeelay waa ay diideen inay dhageystaan caddeymaha aan soo bandhignay kadib dhowr jeer oo aan wadahadal yeelanay,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Khubaro katirsan WHO ayaa horay u sheegay inay su’aal gelinayaan caddeymaha loo soo bandhigay, ayna u baahan yihiin inay sameeyaan qiimeyn dheeraad ah.

Benedetta Allegranzi, oo hey’adda u qaabilsan hogaanka dhanka farsamada ee kahortagga cudurada faafa waxaa uu sheegay in caddeymaha isa soo taraya ay muujinayaan in xanuunka hawada ay isku qaadsiin karaan dadka jooga goobaha dadku ay ku badan yihiin iyo goobaha kale sida guryaha iyo dhismayaasha.

.

Wuxuu intaa raaciyay in arrintaas aanan meesha laga saari karin hadda.

In muddo ah, hey’adda WHO waxaa ay ku adkeysaneysay in xanuunkan uu yahay mid la isku qaadsiin karo qufaca iyo hindishada, balse aysan ku hari karin hawada .

Hey’adda ayaa sidoo kale horay u sheegtay in qaabka keliya ee looga hortagi karo ay tahay gacmaha oo la dhaqo.

Haseyeeshee arrintaas waxaan ku waafaqsaneyn seynisyahano ka kala socda 32 wadan oo caalamka, kuwaa oo sheegay inay jiraan caddeymo muujinaya in feyraska hawada la isku qaadsiin karo, muddo saacada ahna uu hawada ku jiri kara kadib marka ay dadku hadlaan ama ay neefsadaan.

Balse maanta, hey’adda waa ay soo dabacday, waxayna sheegtay inay heleen caddeymo aan horay loo arag oo muujinaya in arrintaas ay suurtagal tahay.

Hadda wixii ka dambeeya waxaa ay noqoneysaa in qiimen lagu sameeyo caddeymahaas oo haddii la xaqiijiyo ay wax iska badeli doonaan sida looga hortago xanuunka iyo tallooyinka caafimmaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here