Wasiir Ka Soo Horjeestay Tartanka Furan Ee shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland.

0
317
 
 
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay tartanka iyo loolanka Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka, waxayna sheegtay in tartanku macaamiisha u fiican yahay, balse aanay raali ka ahayn tartan furan, isla-markaana ay xakamayn doonto, oo ay ka soo saari doonto shuruuc lagu xakamayo.
 
Xukuumaddu waxa kale oo ay sheegtay sheegtay inay waddo qorshihii Shirkaduhu ku wada hadli lahaayeen oo Lambarrada ku wada xidhiidhi lahaayeen.
 
Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay inay Xukuumad ahaan wadaan qorshihii ay Somaliland ku yeelan lahayd koodh u gaar ah, kuna horumarin lahayd
 
Tiknooliyaddeeda, waxaanu ugu horeyn “Tartanka Shirkadaha Isgaadhsiintu macaamisha ayuu u fiican yahay, laakiin haddana tartanku wuxuu u baahan yahay inuu yeesho shuruuc lagu xakameeyo, tartanka furana mar walba wuxuu u baahan yahay in la xakameeyo, imikana shuruucdoodii baanu ka shaqeeynaynaa, si uu tartankaasi u noqon lahaa tartan sax ah oo shuruucdii lagu maamulayey ayaanu hadda gacanta ku haynaa..”
 
Mar uu ka hadlayey qorshe ay wadaan oo ku saabsan Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo qaabkii ay ku wada hadli lahaayeen ayaa yidhi “Hadda Shirkadaha Isgaadhsiintu ma wada hadlaan, sidii loo hirgelin lahaa in la wada hadlaana waa daruuri, wada-hadalkiina wuu noo socdaa, waxaana jira Caqabado, kuwaasi oo aanu intii badnayd xalinay”.
 
Mar uu ka hadlayey qorshaha Wasaaradda ee dhinaca Internetka iyo Tiknooliyadda ayaa wuxuu yidhi “Hawsha koodhku hadda noomay dhamaystirmin, laakiin gacanta ayaanu ku haynaa oo waxaanu rabnaa inaynu yeelano Koodh inoo gaar ah, dal ahaan, inkasta oo Ictiraafka uu wax badan inagaga xidhan yahay oo dhinaca Tiknooliyad ah, haddana intii karaankeena ah waynu dedalaaynaa oo waxaynu rabnaa inaynu horumar ballaadhan ka gaadhno Tiknooliyadda oo aynu Caalamka tusno inaynu nahay dal wax badan qabsaday”
 
Mar uu ka hadlayey Tiknooliyadda Tawin iyo xidhiidhka Somaliland ayuu yidhi “Taiwan waxay ka mid tyahay waddamada ugu horeeya Adduunka ee samaynta Tignoolajiyadda, Moobilada iyo Kombutarada jibka yar ee laga sameeyo Taiwan baa laga iibsada, oo tusaale ahaan Samsung Taiwan ayey jibka ka iibsataa kadibna intay isku rakibto ayey qalab ka samaysaa, markaas inaynu fikradooda ka faa’iidaysano aad baynu ugu baahan nahay, inaguna waxay inooga baahdaan diyaar ayaynu ula nahay,”
 
Dhanka kale wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyadooda, qaranimadooda iyo qadiyadooda ilaashadaan
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here