Aktar Caanka Ka Ahaa Dunida Oo Ku Geeriyooday Dalka Mareykanka

0
299

Dalkaan Mareykanka, waxaa xalay ku geeriyooday Chadwick Boseman, oo ahaa aktarki jilay filimka caanka noqday ee “Black Panther” ka ddib markii uu muddo afar sano ah la halgamayay xanuunka kansarka. Boseman ayaa ahaa 43 jir.

Qoraal xalay la soo dhigay barahiisa Facebook iyo Twitter, ayaa lagu sheegay in Boseman oo xirfaddiisa jilliinka filimada ka soo bilaabay musalsallo TV-ga laga daawaday oo ay ka mid ahaayeen “Third Watch,” “Law & Order” iyo “ER,” uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Los Angeles iyadoo ay ku hareeraysnaayeen xubnaha qosykiisa.

Boseman ayaa filimkiisii ugu horreeyay ee uu atoore ka noqdo waxa uu ahaa filimka The Express ee soo baxay sannadkii 2008-dii, ka dibna wuxuu daba dhigay dhowr kale, laakin wuxuu si aad ah ugu soo caanbaxay filimka Black Panther oo noqday filimkii ugu horreeyay oo si aan caadi aheyn u guuleysta kaasoo ay jilayaashiisu gabi ahaanba ka soo jeedaan bulshada madoow ee Mareykanka.

Black Panther oo soo baxay sannadkii 2018-kii ayaa soo xareeyay lacag ka badan 1 bilyan oo dollar. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here