Xukuumadda Somaliland Oo Odayaal Dhaqan Ka Soo Amba-baxaan Muqdisho U Diidday Inay Hargeysa Soo Galaan, Diyaaraddii Soo Qaadi Laahayd Oo Amar La Siiyay

0
315

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay Odayaal dhaqan u diidday in ay soo galaan Magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in Odayaashu ay doonayen xalinta arrimo la xadhiidha sii daynta dhalinyaro ku xidhan Xabsiyo ku yaalla Hargeysa oo sida la sheegay loo haysto danbiyo ay galeen raggaasi dhalinyarada ah.

Odayaal dhaqan oo uu hoggaaminayey Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa la sheegay in ay Xukuumadda Somaliland ay u diidday inay soo galaan Magaalada Hargeysa kadib markii diyaaraddii Muqdisho

 

sho ka qaadi laahyd amar lagu siiyay in ayna soo qaadi karin Odayaashaas, waxaana Odayaashu ay sheegeen in Shirkadda iska leh diyaaradda ay raaci lahaayeen lagu cabsi galiyay in ayna Mar danbe ka shaqayn doonin degaanada Somaliland haddii ay soo qaaddo Odayaasha doonayay in ay Hargeysa u soo duulaan.

Muxuddiin Xasan Afrax oo ka mid ah Odayaasha loo diiday in Hargeysa u soo amba-baxaan ayaa sheegay in qorashahoodu ahaa sidii ay ula soo xaajoon lahaayeen Odayaasha dhaqanka ee mid ka mid ah beelaha Somaliland, waxaana uu sheegay arrimo la xadhiidha dilal ay gaysteen rag kasoo jeeda Beelaha Soomaaliya ay doonayeen in ay kala soo xaajoodaan dambiyada ay gaysteen, ayna la ballansanaayeen Odayaashaas, balse waxaa uu intas ku daray in ay u muuqato in arrinta ay soo faragalisay xukuumadda Somaliland oo diiddan sida uu sheegay wada hadalka dhex maray labada dhinac ee Odayaal dhaqameedyada

 

Halkan hoose ka DAAWO

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here