Gacan Ku Dhiigle Hore Qof Ugu Dilay Degmada Maydh Oo Maanta Maamulka Gobolka Sanaag Lagu Wareejiyey

0
439

Masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo kuwa degmada Ceerigaabo ayaa maanta la wareegay gacan ku dhiigle Xasan Axmed Barre oo horaantii bishan dil ugu geystay buuralayda degmada Maydh marxuum Yuusuf Jaamac Xirsi.

Waxaa gacan ku dhiiglaha keentay eheladii gacan uu kasoo jeedo, iyaga oo gacanta u geliyey maamulka gobolka Sanaag iyo ka degmada Ceerigaabo oo ay weheliyaan saraakiisha Ciidamada Booliska ee gobolka Sanaag iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Yuusuf Jaamac Xirsi.

Ugu horeyn waxa  halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan,Taliyaha Ciidamada Gashaanle dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle , waxaanay sheegeen dhammaantood in sharciga la hor geyn doono gacan ku dhiiglahan, iyaga oo tilmaamay in gacan ku dhiig-lahani yahay kii saddexaad ee loo soo gacan geliyo.

Masuuliyiintan ayaa si    weyn ugu mahadceliyey cid kasta oo gacan ka geysatay soo qabashada gacan ku dhiiglahan, waxaanay ku booriyeen dadka kale in ay ku daydaan odayaashan soo qabtay gacan ku dhiig lahan, iyaga oo sidoo kalena tilmaamay in sharciga la marin doono cid kasta oo falal noocan oo kale ah ka geysata gobolka.Waxa iyaguna goobta ka hadlay Odayaashii labada dhinac ee uu gacan ku dhiigluhu kasoo jeeday iyo kuwa uu kasoo jeeday Marxuum Yuusuf Jaamac Xirsi oo ah Marxuumkii uu dilay gacan ku dhiiglahan lasoo dhiibay, waxaanay labada dhinacba isaga mahad celiyeen sida ay gacan ku dhiiglahan usoo qabteen iyo sida ay ugu samreen soo qabashadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here