Siyaasi Xibsiga KULMIYE Ka Tirsan Oo Sheegay In Kaalintii Xisbiyada Mucaaridka Ahi Meesha Ka Baxday, In Badanina Ku Heshiisay Maanta In Dalkii La Banjariyo

0
314

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, balse dhaliilaha xooggan u soo jeediya nidaamka waddanku ku socdo iyo waxqabadka xukuumadda ayaa sheegay in nasiib darro weyni ku habsatay Somaliland taasi oo ah in ay Mucaaridka iyo Muxaafidkuba ku heshiiyeen in aan baylahda dalka taalla waxba laga odhan lagana hadal, isaga oo gaar ahaan xisbiyada Mucaaridka ku dhaliilay sida ay u gabeen doorkoodii mucaaridnimo.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo qoraal kooban ku baahiyay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayaa sheegay in markii Mucaarad iyo muxaafadba laga wada gaabsaday in hadba xaaladda taagan laga hadlo, dadka arrimahaasi ka hadlana aan hadalkooda la qiimayn waxna laga soo qaadin waxa uu sheegay in uu ka gaabsan doono arrimihii uu ka hadli jiray ee danta Somaliland kolba halka ay ku jirto ahaa isaga oo sheegay in qof waliba dantiisa oo uu raacdo maanta ay ku badinayso ciddii dhibaatada danta guud taaban waydaana ay cirka roob ku ogtahay.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “SOMALILAND: Ku Daayaye Doog Ha Kaa Baxo Wax Ay Ku Dhaanto Lama Hayo. Ka hadalka Arimaha Somaliland waxaad moodaa in siyaasiyiinta Somaliland muxaafid iyo mucaarid ay ka wada gaabsadeen farahana ka wada qaadeen oo hadhka looga wada dhacay. Qof qofka ka hadla laftiisa ayaanu hadalkiisu wax ka soo qaad yeelan karin oo laga yaabaa in dadku ay la yaabaan oo yidhaahdaan “weger waar yaa yidhaa ha xiiqin eh danahaaga raaco”. Kaalintii xisbiyada mucaaridku meeshaba way ka baxday oo malaha heshiis hoose ayaa jira oo dhexmaray Madaxtooyada madaxda labada gole ee Baarlamanka iyo madaxda xisbiyada mucaaridka ah. Marka ay sidaa tahay qof keligii iska hadlay oo aan muxaafid iyo mucaarid midna ahayn hadalkiisu wax saamayn ah ma yeelan karo dan gaar ah oo ugu jirtaana ma jirto in dhacdo maalmeedyada wada sargacan uu keligii wakhtigiisa iskaga lumiyo isagoo heli kara inuu danihiisa gaarka ah iskaga foofo inta wakhtigu wax badan kala caddaynayo bishuna hortooda imanayso oo laga yaabo in aanay dheeraynba. Inta ka horeysa ha ku habsaamin Arrimaha Somaliland waxay ku dhaanto aniguba garan maayo ee ha fadhido Farow ciddii wax ku waayaysaa ha ku waydo eh!. Sidaa iyo Nabad galyo. Somaliland waxaad moodaa maanta in lagu heshiiyay in afarta taayirba laga banjariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here